War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii Guud Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mid Cusubna Magacaabay

0
Wednesday May 14, 2014 - 16:24:30 in by Super Admin
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii Guud Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mid Cusubna Magacaabay

    Sidaasna Waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed Goor dhoweyd ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadu waxanu u dhigna sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaasna Waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed Goor dhoweyd ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadu waxanu u dhigna sidan:


Date: -14/ 05/2014

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahayJSL/M/XERM/249-2493/052014uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha isla markaana waxa uu Madaxweynuhu wasaaraddaasi u magacaabay Agaasime Cusub.

 

MADAXWEYNUHU:-

 

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL;

Markuu La Tashaday:Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 


Xil-ka Qaadis

Ku: Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne),

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Og: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Mudane,


Waxa aan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.


Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

 

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.

 


ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.