Tansaaniya oo dib u dhigtay codsigii iibinta fool-maroodiga oo Dhaqalaha ugu badani ka soo gali jiray

0
Saturday February 15, 2014 - 00:05:33 in by Super Admin
  • Visits: 1344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tansaaniya oo dib u dhigtay codsigii iibinta fool-maroodiga oo Dhaqalaha ugu badani ka soo gali jiray

    Dalka Tansaaniya ayaa malmahii udanbaysay ka codsanaysay beesha calamka in ay iibgeyaan 100 tan oo foolka maroodi ah kadib markii la jajoyay shirkii ganacsiga ee ka dhacay Dalka UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Tansaaniya ayaa malmahii udanbaysay ka codsanaysay beesha calamka in ay iibgeyaan 100 tan oo foolka maroodi ah kadib markii la jajoyay shirkii ganacsiga ee ka dhacay Dalka UK

Tan iyo October 2012-kii, Tansaaniya ayaa dib u dhigtay codsi ay doonayso in ay ku ibiso inka badab 100 tan oo kaydka fool Maraado sifo ay uga soo dhalaasho qawaaniinta u dhigan Mucaahadada Caalamiga ah ee Ganacsiga Noolaha Halista ku Jira ee Dhirta iyo Duur-joogta (CITES), sidaana waxa Arbacadii (2-dii January sheegay The Guardian-ka Tansaaniya.zania ayaa si joogto ah oo aysan ku guulaysan ugu doodaysay in loo fasaxo inay garab marto Sharciga Ganacsiga Caalamiga ah ee Xayawaanka Sii Dabar-go'aya (CITES) iyadoo ku doodaysay in iibka kaydka foolka maroodiga ee la soo qabtay uu yareeynayo baahida caalamku u qabo foolka maroodiga iyadoo lacagta ka timaadana loo adeegsan karo in lagu horumariyo dadaallada ilaalada ah.


Hase ahaatee, Wasiirka Khayraadka Dabiiciga ah iyo Dalxiiska Lazaro Nyalandu ayaa xaqiijiyay in la iska daayay qorshihii ahaa in la joojiyay qoshihii iibka foolka maroodiga, isagoo sheegay in taas baddalkeed uu dalku bilaabi doono wadahadal ku aaddan waxa lagu sameeynayo kaydka iyo sida maroodiga looga dhowrayo inuu dabar go'o.

Isagoo ka hadlaya Shirkii London ee Ganacsiga Sharci-darrada ah ee Ugaadha, Kikwete wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay ka caawiso joojinta ganacsiga sharci-darrada ah iyo inay gacan ka gaysato ilaalinta xayawaanka halista ku jira.

"Haddii tan [caawinaadda caalamka] la helo, maroodiga iyo wiyisha way nabad galayaan. Foolka iyo geesaha dalab ma yeelanayaan markaasna ma jirayo wax keenaya damac ah in la dilo maroodi ama wiyil," ayuu yidhi sarkalkani u hadlayay  Dalka Tansaaniya



afkashacabka.com

Hargaysa/Office 

Somaliland