Muxuu Tababare Louis Van Gaal Ka Yiri Guushii Ay Kooxdiisa Ka Gaartay Dariskooda Manchester City?

0
Monday March 21, 2016 - 12:37:14 in by Burco Office
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Tababare Louis Van Gaal Ka Yiri Guushii Ay Kooxdiisa Ka Gaartay Dariskooda Manchester City?

    Tababare Louis Van Gaal ayaa bogaadiyay wiilashiisa kadib guushii ay ka gaareen Manchester City taasoo nooleysay rajadii ay kooxda ka qabtay iney ku dhameysato afarta ugu sareysa xili ciyaareedkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Louis Van Gaal ayaa bogaadiyay wiilashiisa kadib guushii ay ka gaareen Manchester City taasoo nooleysay rajadii ay kooxda ka qabtay iney ku dhameysato afarta ugu sareysa xili ciyaareedkaan.


Marcus Rashford ayaa mar kale isbaray Jamaahiirta Red Devils iyadoo Van Gaal uu shaaca ka qaaday iney ku cadaadiyeen City sidii ay ugu soo bixi lahaayeen Champions League xagaaga soo aadan.

Manchester City ayaa fadhisa booska 4-aad ee horyaalka iyadoo kaliya dhibic qura ka sareysa kooxaha Man United iyo West Ham.

"Waxaan isku aragnay qolka labiska kadib ciyaarta waxeyna aheyd mid cajiib ah farxadda jirta” Ayuu yiri Louis Van Gaal.

"Ilama ahan inaan nasiib badan leenahay xili ciyaareedkaan balse haatan waxaan natiijo weyn kala soo laabanay Etihad Stadium”

"Hal dhibic ayaan ka hooseynaa, waxaana barbaro la nahay West Ham iyadoo ay kulamo badan hareen, sidaas darteed waxaa jirta suurtagalnimo weyn oo ah inaan ku dhameysan karno afarta ugu sareysa” ayuu hadalkiis sii raaciyay macalinka reer Holland.