Urur Jaaliyadeedka Turku Somaliland Community ee wadanka Finland Oo Ka Hadlay Xaalada Abaareed ee Ka Jirta Somaliland

0
Tuesday March 22, 2016 - 14:51:00 in by salman abdi
  • Visits: 1023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Urur Jaaliyadeedka Turku Somaliland Community ee wadanka Finland Oo Ka Hadlay Xaalada Abaareed ee Ka Jirta Somaliland

    Waxay jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Turku degen iskugu timid shalay oo taariikhdu ahayd 20.03.2016 shir deg deg ah oo looga arinsanaayo sidii qaadhan taakulo ah loogu dir lahaa dadka abaaruhu kulul ku hayaan Somaliland gaar ahaan goboladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Turku degen iskugu timid shalay oo taariikhdu ahayd 20.03.2016 shir deg deg ah oo looga arinsanaayo sidii qaadhan taakulo ah loogu dir lahaa dadka abaaruhu kulul ku hayaan Somaliland gaar ahaan goboladda galbeedka Somaliland.

Shirkaas oo ka dhacay xarunta Turku S/land Community ayaa waxa kasoo qayb galay odayaasha, dhalinyaradda, aqoonyahanka iyo siyaasiinta reer S/land ee degen gobolka Turku iyo nawaaxigiisa. Waxa shirkaas laysla qaatay 3 qodob oo muhiin ah.

1.in qof walba oo reer Somaliland oo shirka joogay uu lacagshirka dhexdiisa ku bixshay intii joogtayiyo intii maqnan qof walba lagu qoray lacag. Muddo 3 maalmood ahna lagu diro wajiga koowaad ee lacagta.

2.In dadka af soomaaligaku hadla iyo muslimiinta kale Turku degena la gaadhsiiyo arinta qaadhan ururinta.

3.In dawladda Finland iyo hayadaha caawimadda bixshan sida Finnish Red Cros iyo iwm la gaadhsiiyo dhibta abaartu sababtay taakulonala waydiisto.

 

Waxa isla shirka lagu magaacabay gudidda ururinta qaadhanka oo ka kooban 3 rag ah iyo 3 dumar ah, sidoo kale waxala magacaabay 2 xubnood oo kala ah XildhibaanRoda C/laahi Xasaniyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Turku S/land Community MudanneAbshir Mohamed Ali Kahiyein dawladda Finland iyo Hayaddaha caawimadda ka raadshanwixii laga helaayo.

Wuxuuna shirkaasi kusoo dhamaaday guul, is afgarad fiican iyo in gargaad deg deg ah la gaadhsiyo dalkii (insha allaha).