Ciidamada Dawladda Suuriya Oo Khasaare Xoogan Ka Soo Gaadhay Dagaal Ay La Galeen Kooxda Daacish.

0
Wednesday March 23, 2016 - 08:24:15 in by salman abdi
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dawladda Suuriya Oo Khasaare Xoogan Ka Soo Gaadhay Dagaal Ay La Galeen Kooxda Daacish.

    Ugu yaraan 26 kamid ah ciidamada dowlada Bashaar Al Assad ee dalka Siiriya ayaa shalay ku dhintay dagaal ay la galeen kooxaha Daacish ee gacanta ku haya deegaanka taariikhiga ah ee Palmyra.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 26 kamid ah ciidamada dowlada Bashaar Al Assad ee dalka Siiriya ayaa shalay ku dhintay dagaal ay la galeen kooxaha Daacish ee gacanta ku haya deegaanka taariikhiga ah ee Palmyra.



Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Dowlada Siiriya isku dayeen inay la wareegaan deegaano ay ku sugnaayeen kooxda ISIS oo muddo ku dhaw hal sano gacanta ku heysa magaalada taariikhiga ah ee Palmyra.

Xukuumada Siiriya oo gacan ka helaysa dowlada Ruushka ayaa in muddo ah doonayey inay dib ulla wareegaan dhulka ku dhaw Palmyra. Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in dhawaan ciidamada Siiriya la wareegaan magaaladaasi.

Dagaaladan u dhaxeeya Dowlada Siiriya iyo Daacish ayaa ah kuwo cusub iyadoo indhawaale ciidamada Bashaar Al Assad iyo xulafadooda ay duulaanka ugu badan la beegsanayeen kooxaha kale ee mucaaridka, balse aan dagaalo sidaa aan u badneyn ku qaaday dhanka Daacish.

Waxaana dhanka kale jira xiriir ka dhaxeeya Daacish iyo dowlada Siiriya oo ah in ciidamada dowlada Siiriya ay shidaalka si baad ah uga gataan kooxda Daacish oo horey ulla wareegtay in badan oo kamid ah dhulka laga soo saaro batroolka, walow xarumahaasi shidaalka bilihii lasoo dhaafay ay duqeyn ba’an u geysteen Maraykanka iyo waliba Ruushka. 




Contact:afkashacabka.com