Mesut Ozil Oo Ka Hadlay Wararka La Isl Dhex Maraayo Ee Ah Inuu Arsenal Isaga Hayaami Doono

0
Wednesday March 23, 2016 - 08:59:35 in by Burco Office
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mesut Ozil Oo Ka Hadlay Wararka La Isl Dhex Maraayo Ee Ah Inuu Arsenal Isaga Hayaami Doono

    qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska ayaa qoreen in kubad sameeye Mesut Ozil uu gadoodsan yahay sidoo kalena kooxda Arsenal xagaagan isaga tagi doono hadii aan macalin Arsene Wenger shaqada laga racadeynin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska ayaa qoreen in kubad sameeye Mesut Ozil uu gadoodsan yahay sidoo kalena kooxda Arsenal xagaagan isaga tagi doono hadii aan macalin Arsene Wenger shaqada laga racadeynin.

Hadaba Mesut Ozil ayaa arinkan ka hadlay wuxuuna si rasmi ah u sheegay in Wenger oo 66-jir ah xushmad weyn u haayo sidoo kalen asiga dartiisa uu Waqooyiga London u doortay imaan shaheeda dhowr sano ka hor.

Ozil wuxuu yiri "Waan arkay wararka ay saxaafada ka dhawaajiyeen, laakiin Arsene Wenger waa qofkii ka dambeeyay inaan Arsenal imaado, welina isma badalin xushamadii aan Wenger u haayayā€¯

Kubad sameeyaha reer Jarmal kooxda Arsenal waxay xagaagii 2013 lacago £42.5 million gaarayo naadiga Real Madrid kaga soo iibsadeen haatana wuxuu kusoo baxau hogaamiyaha kowaad ee kooxda Arsenal.

Inkastoo macalin Arsene Wenger uu culees weyn saaran yahay hadana Ozil wuxuu ka dhawaajiyay inuu tababarihiisa garab taagan yahay sidoo kalena xagaagan meelna uga dhaqaaqi doonin Arsenal.

Ozil ilaa haatan Arsenal wuxuu kula guuleestay labo FA Cup oo xariir ah balse xidigan wuxuu xusay in kooxdiisa looga baahan yahay inay noqoto naadi u tartami karto hanashada EPL iyo Champion-ka Yurub.