Luis Suarez Oo Shaaca Ka Qaaday Sharad Uu La Galay Neymar Ka Hor Kulanka Uruguay Iyo Brazil

0
Wednesday March 23, 2016 - 09:02:16 in by Burco Office
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luis Suarez Oo Shaaca Ka Qaaday Sharad Uu La Galay Neymar Ka Hor Kulanka Uruguay Iyo Brazil

    Barcelona.(AFKA)Luis Suarezayaa shaaca ka qaaday inuu sharax la galay Neymar ka hor kulanka isreebreebka Koobka Adduunka 2018 ee ay ciyaarayaan Uruguay iyo Brazil, isagoo doonaya inuu sharadka kaga guuleysto saaxiibkiisa kooxda Barcelona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona.(AFKA)Luis Suarezayaa shaaca ka qaaday inuu sharax la galay Neymar ka hor kulanka isreebreebka Koobka Adduunka 2018 ee ay ciyaarayaan Uruguay iyo Brazil, isagoo doonaya inuu sharadka kaga guuleysto saaxiibkiisa kooxda Barcelona.


Uruguay ayaa dhibcood oo nadiif ah ka sareysa Brazil ka hor kulankooda jimcaha ee ka dhacaya Recife, Suarez ayaana sugi weysan inuu kulankaan ka horyimaado saaxiibkiisa Barcelona.


"Waxaan sharad kula jiraa Neymar. Qofkii guuleysta waxa uu helayaa Burger. Waa saaxiib igu weyn, waxaana ku kaftanaa Barcelona” ayuu Suarez ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

"Laakiin cid waliba oo badisa kulankaan waa uu ku riyaaqi doonaa, qofkii laga badinaya midka kale ayaa soo wici doona. Marka intaas laga soo tagana waxaan nahay rag isla shaqeeya oo saaxiibo ah.

"Waxaan labadeenaba isku dayi doonaa inaan dadaal weyn gelino kooxdeena iyo wadankeena.

"Neymar si wanaagsan ayuu ii yaqanaa, laakiin anigana si wanaagsan ayaan u garanayaa. Wax walba-se waa ay ku duwan yihiin garoonka dhexdiisa. Kooxaha xafiiltama oo dhan waa ay yaqaanaan kooxda ay la ciyaarayaan, laakiin sida wax loo qorsheeyay kuma noqoto garoonka dhexdiisa, waana qasab inaad maareyso.”