Dawlada Kenya Oo Ka Digtay Weeraro Kale Oo Al Shabaab Dalkeeda Ay Ku Soo Qaado

0
Wednesday March 23, 2016 - 14:35:59 in by Burco Office
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Kenya Oo Ka Digtay Weeraro Kale Oo Al Shabaab Dalkeeda Ay Ku Soo Qaado

    Booliska Dalka Kenya ayaa ka digay weeraro hor leh oo Al Shabaab ay ku qaadaan gudaha dalkaas kaas oo ay kaga aargoosanayaan weeraro dad badan lagu dilay oo todobaadkii la soo dhaafay Ciidamada Kenya ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Dalka Kenya ayaa ka digay weeraro hor leh oo Al Shabaab ay ku qaadaan gudaha dalkaas kaas oo ay kaga aargoosanayaan weeraro dad badan lagu dilay oo todobaadkii la soo dhaafay Ciidamada Kenya ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose.



 

George Kinoti oo ah Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in rag ka tirsan Al Shabaab ay u qaxeen dhinaca Kenya kadib markii ay khasaaro ka soo gaartay dagaaladii ka dhacay Jubbada Hoose waxaana uu sheegay in Kooxdaasi ay halis ku yihiin ammaanka gudaha dalka Kenya.

Laamaha Ammaanka ee dalka Kenya ayaa shacabka ugu baaqay in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan si ay uga bad baadaan weeraro ay gudaha dalka ku qaadaan dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in baaritaanno lagu sameyn doono qaar ka mid ah Hoteelada ku yaalla dalkaas iyo weliba gawaarida gaar ahan kuwa gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan Mataatuuga.

Al Shabaab ayaa Kenya ka geystay weeraro khasaarooyin sababay kadib markii Ciidamada dalkaas ay soo galeen Soomaaliya.