Madaxweyne Barack Obama Oo Soo Gaba Gabeeyay Booqashadiisii Dalka Cuba+Sawiro

0
Wednesday March 23, 2016 - 22:00:54 in by salman abdi
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Barack Obama Oo Soo Gaba Gabeeyay Booqashadiisii Dalka Cuba+Sawiro

    Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa wuxuu soo gaba gabeeyay booqasho saddex cisho qaadatay, oo Axadii kaga bilaabatay Magaalada Havana Ee Xarunta Wadanka Cuba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa wuxuu soo gaba gabeeyay booqasho saddex cisho qaadatay, oo Axadii kaga bilaabatay Magaalada Havana Ee Xarunta Wadanka Cuba.


2345678911121314

Madaxweynaha Mareykanka oo booqashadan ay ku wehlinayeen xaaskiisa iyo labada hablood uu dhalay, ayaa siyaabooyin kala duwan Magaalada Havana ugula kulmay Madaxda Xukuumadda, mucaaradka iyo qaybaha bulshada.

Madaxweynaha, ayaa dadka reer Cuba ugu baaqay inay la yimaadaan is bedel siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba, si ay galaangal ugu yeesheen horu-socod wanaagsan oo dalkoodu uu sameeyo.

Hogaamiyaha Mareykanka, ayaa ku dhawaaqay in la gaaray xilligii uu Congress-ka Mareykanka uu xayiraadda ka qaadi lahaa Wadanka Qaaradda Latin America ku yaala.

Madaxweynaha Cuba, Raul Castro, ayaa Madaxweynaha Mareykanka iyo qoyskiisaba u galbiyay Garoonka Caalamiga Havana, oo Talaadadii ay ka amba baxeen.

Madaxweyne Castro oo aan Axadii Barack Obama ku soo dhawayn Garoonka Havana, ayaa dood kulul ka dhex dhalisay dadka Mareykanka. Donald Trump oo si adag kaga hadlay, ayaa sheegay in Castro uu si xun u bahdilay dhigiisa Mareykanka.

Castro, ayaa la arkaayay isagoo si diiran Garoonka uga amba bixinaaya dhigiisa Mareykanka, xilli ay la socotay haweeneyda turjubaanadda u ah.

Madaxweyne Obama, ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay oo Mareykan ah oo isagoo xil haaya booqasho ku tagga dalka Cuba, muddo 88 sano ah 


Contact@afkashacabka.com