Shirkada China Group Oo Dhameys Tirey Dhisme Dugsi Dhexe Deegaanka Siimoodi Ee Gobolka Awdal -

0
Wednesday March 23, 2016 - 22:10:33 in by salman abdi
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada China Group Oo Dhameys Tirey Dhisme Dugsi Dhexe Deegaanka Siimoodi Ee Gobolka Awdal -

    Shirkada Macdanta Baadha ee China Group ayaa, ka hirgalisey Deegaanka Siimoodi ee katirsan Degmada Baki ee Gobolka Awdal dhisme Dugsi dhexe oo ka kooban afar fasal kaas oo a wax ku baranayaan in ka badan 60 Ardey oo kamid ah Dadka Deegaanka ee awal h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada Macdanta Baadha ee China Group ayaa, ka hirgalisey Deegaanka Siimoodi ee katirsan Degmada Baki ee Gobolka Awdal dhisme Dugsi dhexe oo ka kooban afar fasal kaas oo a wax ku baranayaan in ka badan 60 Ardey oo kamid ah Dadka Deegaanka ee awal hore Dugsiyada Dhexe u tagi Jirey Magaalooyinka Fogfog.


Gudoomiyaha Shiinaha Somaliland ZHOU DIAN DONG(David), iyo hawlawdeenada Shirkada China Group Khadar Ducaale iyo Xaamud Cumar oo dhamaantood Shabakada Wararka hadhwanaagnews uga waramey dhameystirka Dhismaha Dugsigan Dhexe ayaa Sheegay in ay qeyb ka tahey Faa,iidooyinka ay Shirkada China Group ku kordhiso dadka Deegaanka Mashruuca qodista Macdanta ay wadaan(Local Content) islamarkaana, ay diyaar uyihiin in ay dhawaan keeni doonaan qalabkii afartaasi Fasal ee Kuraasidii iyo miisaskii iyo qalabkii kale ee loogu talagaley Waxbarashada Ardeyda.

Geesta kale Dadweynaha kunool Deegaanka Buuraleyda Siimoodi ayaa siweyn uga mahad celiyay dhismaha Dugsiga ay Shirkada China Group u dhistey Shacbiga halkaasi iyagoo sheegay in ay Ardey ka badan boqolaal u tagi jireen Magaalooyinka Gobolka Awdal Waxbarashada Dugsigan Dhexe taas oo ay ka dabari doonto baahidii awal hore loo qabey sida uu Hadhwanaagnews u sheegay Saleebaan Daahir oo kamid ah dadka Deegaanka Siimoodi Waxaanu xusay in ay soo dhaweeyeen Gudida Siimoodi oo ka kooban Xubno badan.

Shirkada China Group ayaa had iyo jeeraale Deegaanka Siimoodi ee Gobolkaasi Awdal ka hirgaliya dhinacyo khuseeya Arimaha Bulshada oo a qeyb ka tahey Dhismaha Dugsiga Dhexe ee ay ka hirgaliyeen oo ka kooban afar Fasal.

Contact@afkashacabka.com