Siyaasi Boobe Oo Ka Hadlay Xubin Cusub Oo Guddoomiyaha WADDANI U Xulay Guddida Ictiraaf-raadinta Oo Isaga Hore Madaxweynuhu Ugu Magacaabay.

0
Wednesday March 23, 2016 - 22:16:25 in by salman abdi
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Boobe Oo Ka Hadlay Xubin Cusub Oo Guddoomiyaha WADDANI U Xulay Guddida Ictiraaf-raadinta Oo Isaga Hore Madaxweynuhu Ugu Magacaabay.

    Xoghayihii hore ee Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf Ducaale oo Wargeyska Himilo waydiiyey sida uu u arko in Xisbiga WADDANI buuxiyo Xubintii Guddida Ictiraaf-raadinta ee isaga hore loogu Magacaabay, ayaa sheegay inaan isaga Shaqsi ahaan aa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayihii hore ee Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf Ducaale oo Wargeyska Himilo waydiiyey sida uu u arko in Xisbiga WADDANI buuxiyo Xubintii Guddida Ictiraaf-raadinta ee isaga hore loogu Magacaabay, ayaa sheegay inaan isaga Shaqsi ahaan aan Guddida loogu darin, laakiin uu matalayey Xisbiga WADDANI oo uu Xoghayaha Warfaafinta ka ahaa, haddii uu Xilka banneeyayna ay Sax tahay inay Xubintaa buuxiyaan.



”Aniga Shaqsiyan uguma Magacowneyn Guddida Ictiraaf Raadinta, laakiin waxa la Magacaabay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI, Haddaan Xilkaa dhigayna waan ka baxayaa (Guddida Ictiraaf Raadinta), markaa wax dhibaato ah iguma hayso (Buuxinta Jagadaasi), Waayo? Qof ahaan la iima Magacaabin ee Xilkaa la Magacaabay, markaa haddii Qofku banneeyo (Xilka) wuu ka baxayaa (Guddida Ictiraaf Raadinta)…”ayuu yidhi, Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

Xigasho: Himilo