Dawlada Turkiga Oo Sheegay In Mid Ka Mid Ah Raggii Fuliyay Weerarkii Brussels Ay Qabteen Sannadkii Hore.

0
Thursday March 24, 2016 - 08:51:40 in by salman abdi
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Turkiga Oo Sheegay In Mid Ka Mid Ah Raggii Fuliyay Weerarkii Brussels Ay Qabteen Sannadkii Hore.

    Mid ka mid ah raggii fuliyay weeraradii Talaadadii la soo dhaafay gil gilay magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa lagu qabtay Turkiga bishii June ee sanadkii hore 2015, isla markaana la musaafuriyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah raggii fuliyay weeraradii Talaadadii la soo dhaafay gil gilay magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa lagu qabtay Turkiga bishii June ee sanadkii hore 2015, isla markaana la musaafuriyay.



Ibrahim El Bakraoui ayaa lagu qabtay magaalada Gaziantep ee ku taala koofurta Turkiga, una dhow xuduuda Suuriya, halkaasoo uu ka soo gudbay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ibrahim ay qabteen ciidamada ammaanka, isla markaana ay u musaafuriyeen dalka Holland, kadibna uu uga sii gudbay Belgium

Erdogan ayaa sheegay in Laamaha ammaanka Belgium ay ku fashilmeen inay aqoonsadaan ninkaas, isla markaana ay horay u siiyeen digniino la xiriira in ninkaas uu yahay dagaalyahan ajnabi ah.

Belgium ayaa markii hore sheegay magaca ninkan, balse ma aanay ka feejignaan qatartiisa iyo inuu ka soo bar bar dagaalamay Kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga IS.

Dhinaca kale Ciidamada Belgium ayaa wali baadigoobaya nin saddexaad oo ka soo muuqday kaamirada garoonka diyaaradaha Zaventem, kaasoo loo maleynayo inuu ahaa ninkii abaabulay weeraradii Paris ee sanadkii hore.

Najim Laachraoui oo loo yaqaano ninka cad ayaa loo doon doonayaa inuu ahaa ninka sameeyay bambaanooyinkii lagu qarxiyay Paris iyo Brussels, markii laga helay farahiisa jaakadaha ay siteen raggii is qarxiyay.

Weerarkii Brussels lagu qaaday maalintii Talaadadii ayaa waxaa ku dhintay 34 ruux, halka in ka badan 200 ruux ku dhaawacmeen, weeraradaas ayaa waxay xaalad deg deg ah oo feejignaan leh geliyeen dalka Belgium oo dhan, iyadoo maalintii 3aad uu xiran yahay garoonka diyaaradaha Zaventem ee magaalada Brussels, kaasoo ka mid ah garoomada ugu waa weyn ee Yurub.

Contact@afkashacabka.com