Madaxwayne Obama Oo Daha Ka Fayday Qorshaha Ugu Muhiimsan Inta Uu Madaxwaynaha Yahay

0
Thursday March 24, 2016 - 08:54:37 in by salman abdi
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Obama Oo Daha Ka Fayday Qorshaha Ugu Muhiimsan Inta Uu Madaxwaynaha Yahay

    Madaxweyne Obama oo booqanayay dalka Argentina ayaa sheegay in muhiimadiisa koowaad ay tahay in laga adkaado kooxda Khilaada Islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Obama oo booqanayay dalka Argentina ayaa sheegay in muhiimadiisa koowaad ay tahay in laga adkaado kooxda Khilaada Islaamka.


Waxa uu sheegay in maamulkiisu uu adeegsan doono xeelado uu arrintaasi uga miro dhalinayo oo kooxdaasi looga adkaanayo balse uusan marnaba adeegsan doonin xeelado aan wax ku ool ahayn oo laga yaabo in ay dhibaato hor leh abuuraan.

Madaxweyne Obama ayaa intaasi ku daray in ay khalad tahay in duqeymaha baaxadda leh ee ka dhanka ah bartilmaameedyada ku yaala waddamada Suuriya iyo Ciraaq ay yihiin kuwo ka dhan ah bani’aadanimada isla markaana horseedaya in kooxda Khilaafada islaamka ay qorato dagaalyahanno hor leh.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay khalad tahay in la faquuqo mujtamaca Muslimka ah ee Maraykanka ah, kuwaasi oo uu ku sheegay in ay dadka si fiican u dhex galeen isla markaana iyo waddaniyiin ah.

Contact@afkashacabka.com