Weftigii Wasiir Warancadde ee ku Maqnaa Djibouti oo Dalka ku Soo Laabtay iyo Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay

0
Thursday March 24, 2016 - 15:10:33 in by salman abdi
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii Wasiir Warancadde ee ku Maqnaa Djibouti oo Dalka ku Soo Laabtay iyo Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay

    Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde iyo wafti uu hogaaminayo oo muddo hawlo shaqo ugu maqnaa dalka jabuuti ayaa manta kusoo guryo noqday magaalada hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde iyo wafti uu hogaaminayo oo muddo hawlo shaqo ugu maqnaa dalka jabuuti ayaa manta kusoo guryo noqday magaalada hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.
Waxaana wasiir Cali Warancadde safarkii uu ku tagay dalka jabuuti uu daraanaa sidii uu wax uga soo ogaan lahaa xal waarana looga soo gaadhi lahaa dagaalki dhawaan ka dhex dhacay ciidamada badda Somaliland iyo kuwa jabuuti, waxaana kulamo ay waftigani la yeesheen madaxda sare ee dalka jabuuti laga soo saaray heshiisyo hor leh.

Dhan kalena Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland oo hore uga dhaawajiyay inaan dib danbe salaadiin iyo cuuqaal loogu caleemo saari doonin dalka Somaliland, ayaa waxa intii uu ku maqnaa dalka jabuutidhaw aan magaalada hargeysa lagu caleemo saaray suldaan Maxamed Axmed oo la sheegay in uu yahay suldaanka guud ee Subeer awal, taasi oo in muddo ahba ay hadal haynteedu socotay.

Dhanka kalena salaadiinta, cuqaasha,iyo waxgaradka Subeer Awal ayaa iyagu shir ay ku qabteen hotel Xaraf ee magaalada hargeysa waxay sheegeen inaanu suldaankaa la caleemo saaray aanu matalin subeer awal balse uu yahay suldaan uu dabada ka riixayaan masuuliyiinta xisbiga KULMIYE.

Arinkan ayaa waxa ka dhashay buuq iyo sawaxan iyo hadal hayn badan balse waxa bulshada Somaliland ay maalmahanba isla dhex maraysay isna waydiinaysay jawaabta uu ka bixin doono wasiirka arimaha gudaha Somaliland caleemo saarka suldaanka.

1-151-740x4162-67-740x416