
Wasiir Ku Xiggeenka Warfaafinta Oo Kulan Qaddo Sharaf Ah La Qaatay Masuuliyiinta Jaaliyada Somaliland Ee Wadanka Australia.
Masuuliyiinta Jaaliyadda Somaliland ee wadanka Australia oo ku sugan dalka.
Kulankaas qado sharafta ahaa waxa kale oo ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Cilmi Ilkacase, Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), wakiilka jaaliyada Somaliland ee wadanka Australia, Sharmaarke, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Australia, Xasan Maxamed Halac iyo suxufiyiin badan oo ay ka mid ahaayeen Siciid Cali Muuse, Axmed Xasan Cawke iyo C/Salaan Ibraahim Herari.
Wasiir Ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Md. C/Waaxid C/Qaadir C/Raxmaan oo kulankaasi ka hadlay ayaa ammaanay dedaalka ay Jaaliyadaha Somaliland kaga jiraan iib-geynta qadiyadda dalkooda iyo kaalinta joogtada ah ee ay ka qaataan horumarinta Somaliland.
Wasiir Ku xigeenku waxa uu sheegay in Jaaliyadda Somaliland ee wadanka Australia ay si maamuus leh mar walba ugu soo dhaweeyaan dalkaas madaxda ka socota Xukuumadda Somaliland, sidaas darteedna uu go’aansaday inay iyaguna mudan yihiin in dalkooda lagu soo dhaweeyo.
Md.C/Waaxid C/Qaadir waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland ay mar walba dhegaysanayso wixii tallo ah ee ay qurbo jooga dalku soo jeediyaan ee ku wajahan horumarinta dalka iyo sida la iskaga kaashan lahaa qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.
wakiilka jaaliyada Somaliland ee wadanka Australia, Sharmaarke, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Australia, Xasan Maxamed Halac oo ka hadlay kulankaas ayaa Wasiirka uga mahad celiyay martiqaadka uu u fidiyay, waxaanay sheegeen inay ka go’an tahay inay door weyn ka qaataan himilooyinka xukuumadda ee horumarinta dalka.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Cilmi (Ilkacase) iyo Suxufi Axmed Xasan Cawke oo ka mid ah suxufiyiinta waaweyn ee reer Somalilan





0 

Wasiir Ku Xiggeenka Warfaafinta Oo Kulan Qaddo Sharaf Ah La Qaatay Masuuliyiinta Jaaliyada Somaliland Ee Wadanka Australia.
Ku simaha Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta ahna Wasiir Ku xigeenka wasaaradaasi Md. C/Waaxid C/Qaadir C/Raxmaan ayaa maanta kulan marti-qaad qado sharaf ah ugu sameeyay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa