Magaca Marxuumad Uu Caawa Dooxa Hargeysa Qaaday Oo La Helay Maydkeeda
Alle ha u naxariistee waxa Caawa Dooxa Magaalada Hargeysa laga helay haweenay la sheegay inuu qaaday daad marayey dooxa, kaasi oo ka soo rogmaday roobab ka da'ay galbeedka Hargeysa.
Marxuumadda oo ahayd haweenay da’ ah, ayaa sida Afkashacabka loo sheegay uu daadku ka qaaday Huteelka Shiraaqle ee bariga Hargeysa dhankiisa dambe, halkaasi oo uu dooxo maro, waxaana la sheegay in Maydka Marxuumaddu uu Daadka kaga hadhay agagaarka huteelka KAAH.
Alle ha u naxariistee, Marxuumaddan oo Magaceeda lagu sheegay Khadiija Cayngal, lama oga in xilliga daadku qaaday haweenaydan ay kaligeed ahayd iyo in dad kale la socdeen, hasa-yeeshee Marxuumadda ayaa maydkeeda laga soo qaaday dooxa, gaar ahaan agagaarka Huteelka KAAH ee bariga Magaalada Hargeysa.
Maydka Marxuumadda ayaa markii halkaasi laga soo qaaday la geeyay Gurigeeda, ka dib markii la aqoonsaday.

0 