Halkeebay Wax u marayaan isbahaysigi kulmiye iyo Waddani, Muxuse Xisbiga Waddani ka yidhi Saamaynta ay ku yeelan karto wadahadalkooda xubnihi laga saaray kulmiye

0
Saturday March 26, 2016 - 00:45:36 in by Burco Office
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkeebay Wax u marayaan isbahaysigi kulmiye iyo Waddani, Muxuse Xisbiga Waddani ka yidhi Saamaynta ay ku yeelan karto wadahadalkooda xubnihi laga saaray kulmiye

    Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay saamaynta ay ku yeelan karto Xubnaha Isbahaysiga Wada hadalka kula jira ee uu xisbiga Kulmiye sheegay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay saamaynta ay ku yeelan karto Xubnaha Isbahaysiga Wada hadalka kula jira ee uu xisbiga Kulmiye sheegay in

 ay waayeen xubinnimadii Xisbigaasi oo laga saaray Xisbiga Kulmiye.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo khadka Telefoonka ugu waramay wargeyska Saxansaxo, ayaa sheegay in aanay wax dhaawac ah ku keeni doonin wada hadalka ay la fureen Isbahaysiga Kulmiye Xubnaha laga saaray Xisbigaasi, waxaanuu ka warbixiyey halka ay u marayaan wada hadalladaasi.

0000000000000

Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ka jawaabaya su’aal aanu ka waydiinay in ay dhaawac ku keeni karo xubnaha la sheegay in kulmiye laga saaray ee Isbahaysiga ay wada hadalka la fureen ah, waxa uu yidhi "Wax dhaawac ah oo ay wada hadalkayagii ku keeni kartaa ma jirto warkan sheegaya in xisbiga laga saaray xubnaha isbahaysiga ah ee Waddani wada hadalka kula jira, somaliland-na cid walba oo danaynaysa in ay waddani soo gasho waanu soo dhaweynaynaa, iyaga iyo ciddii kaleba waanu la wadi doonnaa wada hadalka, wada hadalkana waanu bilaabi doonnaa si dhakhso ah Insha allaah,waxaananu ka hadli doonnaa marka natiijadu soo baxdo, Guddiyadii waa la wada sameeyey oo si dhakhso ah ayaa wada hadalka loo bilaabayaa”

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in ay ku rajo weynyihiin in ay guul ka gaadhaan wada hadalkaasi, waxaanuu yidhi "Nimankan Isbahaysigu waa niman waaweyn oo masuuliyiin ah oo waxa ay yidhaahdeen sharci ma aha in nalaga saaro xisbiga Kulmiye, laakiin anaga nama khusayso arrintaasi oo anaga waxa na khusaysa in aanu wada hadal la galno cid kasta oo waddani doonaysa in ay soo gasho iyaguna waa ka mid oo madaxda qaranka ayey ka mid yihiin, waa niman dalka tacab badan soo geliyey oo muddo dheer ka soo shaqaynayey oo masuuliyiin ah oo waxa ay arkayaan waxa uu Waddani arkayo oo ah Somaliland maanta waxa ay ka lulataa meel halis ah oo gurmad u baahan, markaa gurmad Somaliland ah in aanu ku shuraakowno Isbahaysiga aad ayaanu ugu rajo weynahay, waxbaanu wada yeelanaynaa oo in ay Xisbiga Waddani nala yeeshaan waanu soo dhaweynaynaa”.