Nuxurka Warsaxaafadeed Uu Xisbiga Kulmiye Kaga Jawaabay Dooddii Ay Ku Xigeenada 2aad $3aad Ee Xisbigaasi Ka Keeneen Caydhinta Shantii Xubnood -

0
Saturday March 26, 2016 - 15:43:02 in by salman abdi
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Warsaxaafadeed Uu Xisbiga Kulmiye Kaga Jawaabay Dooddii Ay Ku Xigeenada 2aad $3aad Ee Xisbigaasi Ka Keeneen Caydhinta Shantii Xubnood -

    -Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), ayaa sheegay in guddoomiye Ku-xigeenadda labaad iyo saddexaad ee xisbiga KULMIYE ay si iskood ah iskaga saareen xisbiga tallada haya ee KULMIYE,waxaanu uga digay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), ayaa sheegay in guddoomiye Ku-xigeenadda labaad iyo saddexaad ee xisbiga KULMIYE ay si iskood ah iskaga saareen xisbiga tallada haya ee KULMIYE,waxaanu uga digay haddii ay sheegtaan astaanka xisbiga inay ciqaab mutaysan karaan. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-



"Anigoo tixraacaya qoraalka muranka iyo fadqallalada xanbaarsan ee sumaddiisu tahay KDC/08/012/2006 ee lagu sheegtay garabka Isbahaysiga Dimuqraadiga xisbiga KULMIYE ee ku soo baxay warbaahinta 24/3/2016, kuna saxeexan yihiin labadii Gudoomiye-ku-xigeennada labaad iyo saddexaad ee xisbiga Maxamed Yusuf Waabeeyo iyo Cabdiraxmaan Talyanle, waxaan mar labaad la socodsiinayaa xisbiyada Qaranka iyo hay’adda sharciga inay labadaa xubnood xayndaabkii sharciyadda xisbiga KULMIYE ay iskood isaga saareen, ugana baxeen xisbiga KULMIYE markay si badheedha, iyagoo adeegsanaya warbaahinta, uga horyimaadeen dastuurka iyo go’aamadii hay’adda Golaha dhexe ee xisbiga, iyagoo go’aamadii golaha Dhexe ee Kal-fadhigii 5aad ee xisbiga ku tilmaamay inay yihiin xaaraan, taasoo ugu filan caddayn inay iskood uga baxeen xisbiga KULMIYE, waxaanay ku xadgudbeen Dastuurka Qoddobadiisa 13aad iyo 9aad xubinta j. waana (FAL GARANTE) qofka lagu qabto isagoo dambiga faraha kula jiraa malaha wax xasaanad ah.

 

Kala Noqoshada Xubinimada Xisbigana Waxa Caddaynaya:

Dastuurka xisbiga KULMIYE Qodobkiisa

11aad oo tilmaamaya sababaha lagu waayi karo xubinimada xisbiga, xataa haddii aan lagu haynin (FAL GARANTE). Sidoo kale, qodobka 10-aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/ 2 0 1 1, kaas oo sheegaya sababaha lagu waayi karo xubnimada urur ama xisbi qaran.

Sidaa awgeed, waxay xubnahani ku gafeen qodobada xeerka Qaran ee Nimaadka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda iyo Dastuurka xisbiga KULMIYE, iyagoo shirar ka dhan ah shuruucda iyo siyaasadda xisbiga KULMIYE la galay hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI marar kala duwan, lana hayo caddaymahoodii, halka ay sidoo kalena codkooda ku caddeeyeen inay xisbiyadaasi kula jiraan wada hadal, isla markaana ay si gaar ah guddi ugu saareen wada hadalka ay la bilaabeen xisbiga WADDANI. Mar labaad waxaannu caddaynaynaa inaan wax heshiis ah lagula geli karin haba yaraatee astaanta, calanka iyo magaca xisbiga KULMIYE midna, taasoo haddii ay dhacdo uu ka dhalanayo fal dambiyeed ciqaab lagu mutaysan karo, waayo dalku shuruuc ayuu leeyahay. Saaxiibadaydii horena waxaan leeyahay xaggee ka webinaysaan sawdinkii ragga culculus ee miisaanka leh ahaa, maxaad xisbi aad iskaga tagteen magaciisa kaga meeraysanaysaan?, Miyaydaan ogayn inay tani salli ku wada fadhido oo aan wax u kala qarsooni jirin oo aan cidna magac layska sheegto aan lagu khaldi karin?. Ugu danbayn, waxaan ugu baaqayaa labada xisbi qaran inaynu wada ilaashano sharciga iyo kala dambaynta.”


Contact@afkashacabka.com