
Ribery Oo Si Ba'an U Dhalleeceeyey Siyaasadda Macalinkiisa Guardiola
Xiddiga dhinaca weerarka uga ciyaara kooxdaBayern Munich,Franck Riberyayaa weeraray siyaasadda isku wareejinta ciyaartooyada ee tababare Guardiola,
taas oo uu tilmaamay in aanay mooralka
ciyaartooyada u fiicnayn isbedellada badan ee lagu sameeyo.
Inkasta oo ayBayern Munichku guulaysatay horyaalka wadanka
Jarmalka oo ay dhigtay rikoodh cusub, haddana ciyaartooyada Ribery, Arjen
Robben iyo Thomas Mueller ayaa kursiga kaydka uu marar badan dhigay tababare
Guardiola, waxaana la sheegay in ay taasi kor u dhaaftay intii ay dadku
filayeen in ciyaartooyadan la fadhiisin doono. Mararka qaarkood waxa dhacday in
ciyaartooyadan laguba soo dari waayey liiska ciyaartooyada kulamada qaarkood,
oo xattaa laga reebay kuwa beddelka ah, waxaanay taasi dareen aan wanaagnayn ku
abuurtay xiddiga Faransiiska ah ee Franck Ribery oo awoodi kari waayey inuu
qaab-ciyaareed wanaagsan soo bandhigo.
"Mararka
qaarkood waad ciyaaraysaa, mararka qaarkoodna kursiga kaydka ayaad fadhiyaysaa,
mararka qaarkoodna guriga ayaaba lagaaga tegayaa” ayuu yidhi Ribery oo u
warramay Kicker.de.
Riberywaxa uu sheegay in arrimahani ay yihiin
kuwo ku cusub kooxda oo shakhsiyadda ciyaartooyada wax u dhimaysa. "Waxay ahayd
arrin nagu cusub dhamaantayo. Shakhsiyan, waxaan u baahnahay inaan kulamada
ciyaaro. Waxaan u baahnahay inaan ciyaaro shan ama lix ciyaartood ka hor inta
aan lay nasinin, laakiin maaha in lay fadhiisiyo marka aan kulan kaliya
ciyaaro”. Ayuu raaciyey.
Riberyoo hadda la halgamaya dhaawac ka gaadhay
dhabarka oo ay suurtogal tahay inuu kaga maqnaado kulanka faynalka ah ee DFB-Pokal
oo ay wada ciyaari doonaan Bayern Munich iyo Dortmund maalinta Sabtida ah, ayaa
waxa uu sheegay in ay suurtogal tahay inuu beddel ku soo galo kulankaas,
waxaanu yidhi "Waan soo fiicnaanayaa. Waxa laga yaabaa inaan kursiga kaydka
fadhiyo ama aan wax ka ciyaaro kulanka”.
Ribery
waxa uu xili-ciyaareedkan u saftay kooxdiisa 22 kulan oo kaliya horyaalka
Jarmalka ee loo yaqaano Bundesliga, iyadoo kulamada uu seegayna uu ku maqnaa
siyaasadda tababare Guardiola oo isku bedbedelay ciyaartooyada (Qaarba maalin
ciyaarsiiya) iyo dhaawacyo uu kulamada qaarkood ku seegay.
Afkashacabka kale saco cirahii udanbayay ee ka dhacay calamka





0 

Ribery Oo Si Ba'an U Dhalleeceeyey Siyaasadda Macalinkiisa Guardiola
Xiddiga dhinaca weerarka uga ciyaara kooxdaBayern Munich,Franck Riberyayaa weeraray siyaasadda isku wareejinta ciyaartooyada ee tababare Guardiola,