Taageryaasha iyo Xubnaha Xisbiga kulmiye ee Waddanka Faransiiska oo Guddomiye Cusub u Doortay Wiil Dhalinyaro ah oo Aqoonyahan ah+SAWIRO

0
Sunday March 27, 2016 - 08:02:29 in by salman abdi
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageryaasha iyo Xubnaha Xisbiga kulmiye ee Waddanka Faransiiska oo Guddomiye Cusub u Doortay Wiil Dhalinyaro ah oo Aqoonyahan ah+SAWIRO

    Aasaasihii Barnaamijka Han iyo Himilo Ahna gudoomiyaha ururka samafalka ee ALIAS Mud: Xamse Cabdi Ibraahim "Qoorcade" ayaa xalay loo cumaamaday I nuu noqdo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Dalka Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aasaasihii Barnaamijka Han iyo Himilo Ahna gudoomiyaha ururka samafalka ee ALIAS Mud: Xamse Cabdi Ibraahim "Qoorcade" ayaa xalay loo cumaamaday I nuu noqdo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Dalka Faransiiska. Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo xalay ka qabsoontay Magaalada Angers oo dhacda Galbeedka Dalka faransiiska ayaa Xamse la gu doortay. Waxaana Madasha kasoo qayb galay Masuuliyiinta Jaaliyadaha Gobollada, cuqaasha iyo wax garadka dalka aqoonyahan iyo marti sharaf kale. Waxaana ugu horraynba halkaas ka hadllay Sh.Siciid Cabdi Aadan "Foodcade" oo haddallo dardaaran iyo duco ahba u jeediyay dadkii hallways isugu yimi. Waxaa isna Madasha aan ka maqnayn Guddoomiyaha guddiga abaaraha aqoonyahan: Cabdiqaadir Muuse Maxammed oo khudbad taariikhi ah goobta ka jeediyay. Guddoomiyaha cusubna ku ammaanay hibo iyo halabuur hoggaamineed. 

Waxaa kale shirka la gu soo marti qaaday Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Dalka Faransiiska Mud: Cabdirisaaq X.Ibraahim oo hadallo kaftan iyo duur xul ah goobtaasi ka jeediyay aadna u bogaadiyay labada guddoomiye ee xilka la kala wareegay Waxaa isna madasha hadallay Guddoomiyaha Jaaliyadda Nantes Mud: Cabdiqani wadaad yare oo ku dheeraaday ahmiyadda wax wada qabsigu leeyahay. 

Waxaanu hambalyeeyay guddoomiyihii hore u na duceeyay guddoomiyaha cusub. Waxaa is na madasha ka hadllay Maxammed Bookax Xiiray oo ka mid ah waxgaradka madax dhaqameedka dalkani faransiiska waxaanu my baaaqay in la istaageero gacmahana la is qabsado. Wallaw aad u tira badnaayeen masuuliyiinta goobta ka hadllay hadana waxaan la illaawi karin hadalladii Cabdillaahi iyo Keyse Abokor Xaashi oo waano dardaaran u badnaa. 

Intaa kadib waxaa hadllay Shaafici Cumar Maxammed oo dhallinyarada ugu firfircoon dalka Faranasiiska isagoo muujiyay taageerada ay u hayaan. Guddoomiyaha Cusub. Guntii iyo gebegebedii waxaa xilkii si sharaf leh u la kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Mud:Ducaale Cali Faarax iyo Xamse Cabdi Ibraahim. 

Hadaba Xamse Cabdi ibraahin oo ah xubin ku astaysan wax qabad aadna uga dhex muuqada arrimaha bulshada ayaa la naawilayaa in uu taagero kusoo kordhiyo xisbiga KULMIYE.