Wasiirki Hore Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan oo Marki u horreysay ka hadlay Warar Warbaahintu Qortay oo sheegayey inay Madaxweynaha Kulmeen oo ay is Cafiyeen

0
Sunday March 27, 2016 - 08:13:43 in by salman abdi
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirki Hore Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan oo Marki u horreysay ka hadlay Warar Warbaahintu Qortay oo sheegayey inay Madaxweynaha Kulmeen oo ay is Cafiyeen

    Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa

 beeniyay warar sheegaayay inay kulan fool ka fool ahi dhex maray Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Silaanyo.

Siyaasi Xirsi Cali Xaji Xasan oo u Waramaayay Wariye Khadar Xasan Axmed oo ka tirsan Shabakada Somalilandtoday.com wuxuu kaga jawaabay su-aal ahayd waxaa ka jira wararka sheegaaya inay kulan yeesheen Madaxweynaha sidan.


"Maya Adeer wax kulan ah oo Madaxweynaha na dhexmaray ma jiro, wax dhibaato ah oo noo dhaxaysaana ma jirto, aan ahayn Ixtiraam, Qadarin iyo xushmad. Marka warkaas aad i waydiisay ma jiro,.” Sidaa waxaa yidhi Ex. Wasiir Xirsi.

Maruu ka jawaabaayay sababta wararka ku saabsan inay Madaxweynaha kulmeen losoo cel celiyo wuxuu yidhi. "Wallahay garan maayo dadka intaas shaqada ka dhiganaaya, Madaxweynuhu waa Madaxweynahaygii, waa Madaxweynihii Qaranka sidaa aan ku sheegay xushmad iyo Qadarin ayaa naga dhaxaysa marka wax intaas laga baadho garan maayo.” Sidaa ayuu hadalkiisi ku soo koobay Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan