Nuxurka Khudbado Qiiro lahaa oo laga Jeediyey Madal Dhalinyarada Somaliland ee Casimaddu Qaadhaan ugu ururinayey Dadka Abaaruhu Halakeeyeen+SAWIRO

0
Sunday March 27, 2016 - 08:27:10 in by salman abdi
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Khudbado Qiiro lahaa oo laga Jeediyey Madal Dhalinyarada Somaliland ee Casimaddu Qaadhaan ugu ururinayey Dadka Abaaruhu Halakeeyeen+SAWIRO

    Masuliyiin uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud , Siyaasi Boobe Yusuf iyo Xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha ayaa ka qeybgalay kulan lagu qabtay Hotel Maansoor oo ahaa mid lacag loogu ururinayey Dadkay Abaaruhu Saameeyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuliyiin uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud , Siyaasi Boobe Yusuf iyo Xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha ayaa ka qeybgalay kulan lagu qabtay Hotel Maansoor oo ahaa mid lacag loogu ururinayey Dadkay Abaaruhu Saameeyeen.

Kulankan oo ah mid ay soo Agaasimeen Dhalinyaro iskood isku xilqaamay oo ka damqaday dhibta jirta. Ayaa loogu magacdaray "Dhalinyaradda iyo Doorka Abaaraha".

Waxa isna madasha ka hadlay Sheekh Maxamed Aadan oo ka midGudida Heer Qaran ee Abaaraha ee Madaxweynuhu Magacaabay, isagoo Sheekhu ka waramay dhacdooyinkii ay lasoo kulmeen iyo dhibta halkay hadda marayso iyo ka Gudi ahaan ku talo-galkooda, wuxuuna yidhi:Ugu Horeyn Hoodo Ayaan Suldaan Aadan oo ku hadlaysay Afka gudidii soo qabanqaabisay ayaa si weyn usharxday ujeedka ay halkan iskugu yimaadeen, iyo waxay igu danlahaayeen in kulankani qabsoomo. Iyadoo gunaanadkii hadal gubaabo ah madasha kasoo jeedisay.

 

"Abaarta hadda Waddanka ka jirtaa waa mid daran, Alle kaligii ayaana wax ka qaban kara, inay Xoolihii dhintaan way soo dhaaftay hadda in Dadka labadbaadiyo oo lasamato bixiyo ayaa inoo taala, Anaga ka Gudi ahaan maalmaha soo socda ayaan ubixi doonaa Galbeeda, Gawaadhi caawimo ah ayaanu sii kaxeyn doonaa Hadduu Alle idmo, laakiin waxaan ku faraxsanahay in dhalinyartiinani caawa halkan iskugu timaadaan, ood ka damqataan dadkiina baahan, kadib jeebkiina wax ka bixisaan, walaw yeydaan waxba bixin laakiin aniga waa ifarxad waayo dareenkiina ayaad cabirteen".

Isna Waxa madasha ka hadlay Sharmaarke Geelle oo ka mida Gudida Heer Qaran ee Abaaraha, isagoo ka waramay dhibaatadda iyo diifta haysata dadkeena, isagoo si dareen leh uga warbixiyey dhibta abaartu ku hayso dan iyo duunyo.

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa martisharaftii goobta ka hadashay ayaa tix iyo tiraaba ku cabirey heerka Abaartu mareyso maanta, isagoo ku baraarujiyey in aan laga hadal markey abaartu timaado laakiin faro qabsiimo lasii dhigto, wuxuuna yidhi:

"Abaartu maanta meel adag ayey runtii mareysaa, Alle khayr ha inooga dhigee, laakiin dhibta inay haysta ee aynu eeda ku leenahay waxa weeyi markay timaado abaartu ayeynu ka hadalnaa ee faro qabsiimo masii dhigano, Barriba roobku waa di'i, ee aynu qorshe aynu kasii yeelano".

Agaasimaha Guud Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Mukhataar Maxamed Cali ayaa isna goobta ka hadlay wuxuu sheegay in abaarta Alle mooyee cid kale waxba ka qaban karin, waxay idhacaysaa ay tahay imtixaan iyo inaga la isku keen eegayo, loona baahanyahay inay is cafino inagu, wuxuuna yidhi:

"Dhalintiina caawa halkan fadhida iyo inta inaga maqan ayey tahay kuwa ugurmanaya dadkeenaas, ogaada waxaad bixisaan ee Janooyin ku iibsanaysaan, Alle waxba uma waayin iyaga laakiin inaga ayaa la inagu eegayaa, inaga ayaa la eegayaa sideynu ugu gurmano"

" Dhammaanteen hadeynu isku tagno waxba ka qaban kari mayno, Alle kaligii ayaa wax ka qaban kara. Ogaadana in dhibtan dhacaysaa ay tahay dunuubtii aynu galnay. Rabbi aynu i noqono, Danbi dhaafna Dalbano".

Ugu danbeyn Waxa halkaas kaga dhawaaqday lacagtii ay ku yabooheen dhalinyartii goobta isku timid Sahra Kiin Kaahin oo kamid ahayd dhalinyartii soo qabanqaabisay, waxaanay tidhi.

"Alle mahadi weeyi in caawa Dhalinyaro kaliyaata hoolka soo buuxdhaafiyaan, kana damqadaan Walaalahooga tabaaleysan, uguna yaboohaan lacag dhan "$8,300". Alle ha idinka abaaliyo, halkaad kasoo saarteen wax ka baddan ha idiin galiyo".

Waxa madashii Duca dheer kusoo afmeeray Sheekh Maxamed Aadan isagoo uduceeyey dadka abaaruhu saameeyeen, Allena ka baryey inuu abaarta inaga soo jabiyo.