Wasiiro Xukuumaddu u dirtay Daminta Shaqaaqo ka dhacday Deegaanka Maygaagle oo Gaadhay Degaankaas

0
Friday May 16, 2014 - 14:18:57 in by salman abdi
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro Xukuumaddu u dirtay Daminta Shaqaaqo ka dhacday Deegaanka Maygaagle oo Gaadhay Degaankaas

    Wasiirka macdanta iyo tamarta, W/ku-xigeenka ganacsiga oo ay weheliyaan madax dhaqameed ka soo jeeda gobolka Togdheer ayaa gaadhay degmada Qorulugud,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka macdanta iyo tamarta, W/ku-xigeenka ganacsiga oo ay weheliyaan madax dhaqameed ka soo jeeda gobolka Togdheer ayaa gaadhay degmada Qorulugud,


halkaas oo ay ka bilaabeen wadahadal la xidhiidha sidii loo dejin lahaa xiisada colaadeed ee ka dhalatay dil laba beelood ku dhex maray deegaanka Maygaagle ee gobolka buuhoodle.

Ergadan wasiirrada ah ayaa la sheegay inay la kulmeen beesha Qorulugud, waxaanay ka dalbadeen in xiisadda la dejiyo, waxaanay ku hawlan yihiin sidii dhinaca ergo nabadeed loogu diri lahaa.

 

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xaaladdu degan tahay, isla markaana aanay dhicin wax iska hor imaad ahi, iyada oo galabtana uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde uu u ambo-baxay sidii uu arrintan uga qayb-qaadan lahaa

Dhanka Kale Waxaa Isna Dhanka Buuhoodle Ku Hawlan Xalinta Hawshan Wasiirka Caafimaadka Somaliland ee dhawaanahanba Ku Sugnaa Deegaanka Buuhoodle




Afkashacabka.com
Burco / Office
Contact@afkashacabka.com