Hargaysa:Wasaaradda Beeraha Oo Tababbar U Soo Gabogabeysay Isku-duwayaal Iyo Khuburro La Baray Habka Casriga Ah Ee Cabbirka Beeraha.

0
Sunday March 27, 2016 - 22:38:18 in by salman abdi
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Wasaaradda Beeraha Oo Tababbar U Soo Gabogabeysay Isku-duwayaal Iyo Khuburro La Baray Habka Casriga Ah Ee Cabbirka Beeraha.

    Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ayaa Maanta soo xidhay Tababbar Muddo 20 Maalmood ah u socday Isku-duwayaasha Wasaaradda Beeraha ee Gobollada Dalka iyo Qaar ka mid ah Khuburrada Wasaaradda Beeraha ee kala xaddey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ayaa Maanta soo xidhay Tababbar Muddo 20 Maalmood ah u socday Isku-duwayaasha Wasaaradda Beeraha ee Gobollada Dalka iyo Qaar ka mid ah Khuburrada Wasaaradda Beeraha ee kala xaddeynta Beeraha.


Tababbarkan oo ay bixinaysay Hay’adda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF isla-markaana lagu baranayey Habka Casriga ah ee Cabbirka Beeraha ee loo adeegsado Adeegga Sataleytka ku xidhan ee loo yaqaanno (GPS), ayaa waxa Munaasibadda lagu soo xidhay ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, Masuuliyiin ka socday Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF iyo Masuuliyiinta kale ee Waaxaha Wasaaradda Beeraha ah.

Waxa ugu horeyn halkaasi hadal ka soo jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha JSL Cabdillaahi Ismaaciil Faarax, waxaanu sheegay in Tababbarkani ahaa mid muhiim ah oo Isku-duwayaasha iyo Khuburrada kale ee ka qayb-qaatay lagu fahamsiiyey Adeegsiga Qalabka GPS-ka ee loo adeegsado Cabbirka Beeraha, sidaa daraadeed looga baahan inay Shaqadooda ku dabaqaan wixii ay ku barteen Tababbarkaasi.

"Xafladdan waxaynu u qabanay in la soo Gabogabeeyo Tababbarkan oo inoo socday Muddo 20 maalmood ah (07 March illaa 27 March). Tababbarkan oo la siiyey 21 Xubnood oo kala ah Isku-duwayaasha Gobollada Dalka ee Wasaaradda Beeraha iyo khuburrada Wasaaradda, waxaana loogu faahfaahiyey Qalabka Adeegsiga GPS-ka.” Ayuu yidhi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Faarax, waxaanu intaa ku daray, "Cilmiga lagu bartay Tababbarkani wuxuu ahaa Cilmi aad iyo aad Muhiim u ah oo Wasaaraddu u baahnayd, sidaa daraadeed waxaan u Mahad-celinaynaa Macalimiintii Tababbarka bixinaysay.”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Somaliland Aadan Ibraahim Ashqar oo isaguna halkaasi ka jeediyay Hadal kooban oo dardaaran ah, ayaa yidhi, "Waxa aad tababbarkan ku qaadateen way anfacayaan Dadka, Dalka iyo Nafahiina ee waa inaad Shaqooyinka aad Qaranka u haysaan ku dabaqdaan.”

Mr. Gurey oo ku hadlayey Magaca Xubnaha Tababbarkan loo soo xidhay, ayaa isaguna amaanay Macalimiinta Tababbarka bixinaysay, waxaanu sheegay inay Muddo gaaban ku bareen aqoon ay ku baran lahaayeen Lix Bilood, "Wixii lagu baran lahaa Lix bilood ayaa la noogu soo koobay Muddo 20 Maalmood ah, sidaa daraadeed waanu u Mahad-naqeynaa Macalimiinta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Madaxda Wasaaradda Beeraha ee Madasha fadhiday ka codsaday in Sannadkan Beeralayda laga bixiyo Qodaalka, maaddaama buu yidhi Abaaro Dalka ku dhufteen oo Beeralaydu liidato.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo isaguna Munaasibadda Tababbarkan lagu soo xidhay ka jeediyay hadal kooban, ayaa yidhi, "Waxaan idiin rajeynayaa inuu idin anfaco Tababbarka aad qaadateen ee waxaan idinku dardaarayaa inaad Shaqadiina wax kaga beddeshaan.”

Wasiir Maxamed Aw Daahir, waxa uu ku taliyey in Shacabka Somaliland u guntadaan sidii ay wax-soo-saarkooda u badin lahaayeen si Dadku waxay Cunayaan ay iskaga fillaadaan, "Rejada iyo Mustaqbalka Somaliland waa Beeraha, innaguna waxaynu nahay Wasaaraddii Beeraha, markaa waa inaynu waxaynu Cunayno iskaga fillaanaa, waayo? Inteynu Gacmo-hoorsiga ku jirno waxba ma nihin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inaanu Shantii Bilood ee u dambeeyay Saxeexin Wax Shahaado Beereed ah, isagoo Xusay in Dadka ula yimaadda Shahaadada Beeruhu u badan yihiin kuwa doonaya inay Dhul Baloodheeyaan, laakiin aan Beer ahaan Sharci u doonayn, markaa sababta uu u joojiyey inuu saxeexo Shahaadada Beeruhu tahay inaan Wasaaradda Beeruhgu qayb ka noqonin murannada ka taagan Dhulka.

Gabogabadii waxa Munaasibaddaasi oo lagu qabtey Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Beeraha Shahaadooyin lagu guddoonsiiyey Xubnihii Tababbarku u dhammaaday.



 Contact@afkashacabka.com