"Gar waa loo wada islaame Jamaal Ali Xussein, waa laga gardaranyahay.." Abdikarin Ahmed Mooge

0
Monday March 28, 2016 - 07:52:25 in by salman abdi
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Gar waa loo wada islaame Jamaal Ali Xussein, waa laga gardaranyahay.." Abdikarin Ahmed Mooge

    Siyaasiga Abdikarin ahmed Moge ahna aasaasaha kooxda Qabyaalad diidka Somaliland ayaa si dareen muwadinimo leh uga hadlay xaaladda xisbiga UCID ka taagan iyo hadalada is khilaafsan ee Gudomiye faysal ai warabe waxana qoraal uu so dhigay barta uu ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Abdikarin ahmed Moge ahna aasaasaha kooxda Qabyaalad diidka Somaliland ayaa si dareen muwadinimo leh uga hadlay xaaladda xisbiga UCID ka taagan iyo hadalada is khilaafsan ee Gudomiye faysal ai warabe waxana qoraal uu so dhigay barta uu ku leyahay facebook ga ku yidhi sidan:

"Gar waa loo wada islaame Jamaal Ali Xussein, waa laga gardaranyahay! maalintii loo dooranayay in uu Jamaal yahay musharaxa UCID, maxaa khasbayay maalintaas in musharax laga dhigo Jamaal Ali Hussein, may tartamaan iyagoo urur bila musharax ah, Sidii Kulmiye, Wadani iyo ururadii kale ee hadhay ay ugu galeen tartanka iyagoon iclaamin musharaxiintooda?

Hadiise shirweyne dhacay oo Jamaal loo doortay musharaxa madaxweyne ee UCID, Jamaal xaq wuxuu u leeyahay in uu hal doorasho madaxweyne ku galo ticketka UCID, ama ha helo ama ha wayee.

Somaliland waxay u bahantahay in dib loo eego shuruucda asxaabta si loo helo xisbiyo salbalaadhan oo dhexdooda dimuqraadiyadi ka jirto. Somaliland waxay oon u qabtaa in la helo xisbiyo aan ku suntanayn qof ama koox hadii kale sideedi hore Borame hayskaga soo shirto

Somaliland xisbiyadeeda waxaan ku naqaanay musharax aan cidi la tartamayn taas oo ka hor imanaysay ma’badiida dimuqraadiyada ee iminkana ma waxay soo kordhinayaan in laga noqon karo musharax la doortay? haday ka noqoshada Jamaal suuro gasho tollow ma kulmiya ka noqon doona Muuse ama Saylici midkood?"