Shirkad Nooceedu ku cusb yahay Gobolka Togdheer oo la yidhaa Victoria ayaa xalay lagu daahfuray Magaalada Burco.

0
Friday May 16, 2014 - 14:25:13 in by salman abdi
  • Visits: 1487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad Nooceedu ku cusb yahay Gobolka Togdheer oo la yidhaa Victoria ayaa xalay lagu daahfuray Magaalada Burco.

    Shirkaddan oo ah Shirkad Samaysa Xayaysiisyada isla markaasna ah Madbacad ka Duwan madbacadihii hore ee Dalka ka jiray ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkaddan oo ah Shirkad Samaysa Xayaysiisyada isla markaasna ah Madbacad ka Duwan madbacadihii hore ee Dalka ka jiray ,


wax soo saarkeeda iyo hawlaha ay qabatona ay u bogeen Bulshada reer Burco ayaa madal kooban oo masuliyiin, ganacsato iyo dhalinyarada gobolku soo camireen lagu daahfuray.

Ugu horeyn waxa munasibaddaasi ka hadlay Axmed Cali Jamac oo ah Wakiilka shirkadda U qabilsan Gobolkan Togdheer, waxanu sharraxaad ka bixiyey adeegyada shirkaddani ay qabanayso iyo waxyabaha casriga ah ee ay gobolka ku soo kordhiyeen, waxanu sheegay in dhammaanba qalabka la isticmaalo ee xafiisyada iyo guryaha shirkaddani ugu daabici doonto dadka qof walba waxa uu rabo, sida sawirada lammaanaha ama madaxda iyo weliba shahaadooyin iyo xayaysiiyo ka duwan kuwii shirkadaha hore ee daabacaadu soo saari jireen oo ka samaysan, Biro, Quraarado, iyo Faarad.

Intas kadib waxa isna halkaas ka hadlay Maayarkuxigenka Burco Mr. Xoday ahna ku simaha maayarka, waxanu aad u bogaadiyey shirkaddan cusub ee shaqooyinka iyo adeegyada cusub ku soo kordhisay Gobolka, waxanu tilmaamay in adeega ay shirkaddani soo kordhisay ka markhaati kacayo horumarka aynu ka gaadhnay ganacsiga, maalgashiga iyo shaqo abuurka iyo weliba ka soo kabashada burburkii ku dhacay dalka 23 sanno ka hor, waxanu tilmaamay in 23kaas sanno dalku maalinba marxalad marayey maantana adeegyada waddankeena laga helayo aan xattaa laga heli Karin waddamo aqoonsi haysta oo afrika iyo dunida kaleba ah, wuxu ku dhiirigeliyey ganacsatada iyo dadka aqoonta leh ee gobolka inay ku daydaan ganacsadaha fikirkan keenay ee isku hawlay inu adeegyadan cusub ku soo kordhiyo gobolka.

Faysal Cabdi oo ah isuduwaha wasaradda wershadaha, Cabdi Cali oo ka socday Shirkadda Dahabshiil Group Xildhibaan Shine Falliidha oo ka mid ah Golaha Deganka Burco iyo Mustafe Osman oo ku hadlayey Afka dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Gobolka aya dhammaantood si isku mid ah u soo dhoweeyey adegyada shirkaddan VICTORIA ku soo kordhisay Gobolka, waxay xuseen in adeegani ahaa mid loo baahnaa isla markaasna dadka badankoodu u doonan jireen waddamo fog fog, iminkana wax lagu farxo ay tahay maadama gobolkooda ay ka helayaan adeegyo badan oo loo doonan jiray debedda.

Waxana Halkaas Shahaado Sharafyo, Billado , weel iyo Agab kala Duwan oo lagu soo Xardhay Astaanta iyo Magacyada Shirkadaha Goobta fadhiyey qaar ka mid ah la guddoonsiyey Shirkadda Dahabshiil, Shirkadda ABCO, Dugsiga Smart shools, Golaha Deganka Degmada Burco, Maayarka iyo kuxigenkisa, iyo Qaybo kale oo ka mid ah martidii madasha lagu soo casuumay, waxana intaasi kadiba madasha lagu soo xiday Casho sharaf iyo wada sheekaysi ay qaateen masuliyiintii shirkadda iyo xubnihii munasibadaasi goob jooga ahaa.

Shirkadan VICTORIA oo uu mulkiile ka yahay Maxmud Muse Cawale ayaa hore looga furay Gobolada Maroodijeex iyo Awdal, Waxan Gobolkani Noqonaya Gobolkii 3aad ee Waddanka Gudihiisa laga furo, iyadoo adeegyada ay soo bandhigtay oo dhami ahayeen adeegyo si weyn loogu bogay.



Afkashacabka.com
Burco / Office
Contact@afkashacabka.com