GorGortanka Xisbiga Ucid Oo Hawada isku sii Shareeraya iyo Jamaal iyo Faysal oo Car iyo Wir is Dhaafsaday

0
Monday March 28, 2016 - 11:38:07 in by Hargeysa Office
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GorGortanka Xisbiga Ucid Oo Hawada isku sii Shareeraya iyo Jamaal iyo Faysal oo Car iyo Wir is Dhaafsaday

    .MAAHA, Yaa Yidhi, Waa Musharax ... Maalintii aanu Musharraxa ka Dhigaynay waxanu ahayn Urur oo xisbi maanu ahayn.." Faysal Cali Waraabe "..Aniga Gole dhexe ayaa la igu Doortay, Maxamed Aw Siciid Iyo Muuse Biixi-na waa kuwii u Shaqeynaayey,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.MAAHA, Yaa Yidhi, Waa Musharax ... Maalintii aanu Musharraxa ka Dhigaynay waxanu ahayn Urur oo xisbi maanu ahayn.." Faysal Cali Waraabe "..Aniga Gole dhexe ayaa la igu Doortay, Maxamed Aw Siciid Iyo Muuse Biixi-na waa kuwii u Shaqeynaayey, Xaalkuna waa ku Waajib.." Musharrax Jamaal Cali Xuseen

.MAAHA, Yaa Yidhi, Waa Musharax ... Maalintii aanu Musharraxa ka Dhigaynay waxanu ahayn Urur oo xisbi maanu ahayn.." Faysal Cali Waraabe "..Aniga Gole dhexe ayaa la igu Doortay, Maxamed Aw Siciid Iyo Muuse Biixi-na waa kuwii u Shaqeynaayey, Xaalkuna waa ku Waajib.." Musharrax Jamaal Cali Xuseen Hargeysa( Afkashacabkal)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa markii u horreysay fagaare isla soo taagay in Jamaal Cali Xuseen aanu ahayn Musharrax jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, sidoo kalena raali gelin ka siiyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid dhaliili tiro badan Musharrax Jamaal Cali Xuseen dusha ka huwiyey ku lug lahaanshaha faro-gelino joogto noqday oo ku socda Xisbiga Ucid ee uu Musharaxa u yahay. Docda kale, Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa geestiisa isna mar kale ku celiyey in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid loo adeegsanaayo Burburka Xisbiga UCID, isla markaana ay ku shaqeysanaayaan Ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, sidoo kale, Musharrax Jamaal Cali Xuseen waxa u ku tilmaamay raali-gelinta Faysal Cali Waraabe ka bixiyey hadalkiisi mid ku waajib ah Faysal, maadaama Nimanka uu raali-gelinta siiyey ay yihiin kuwii soo dirtay ee uu shaqeyaanayey. Weerarka iyo weerar celiska Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo ahaa shalay, ayaa hadalladu waxa ay u dhaceen sidan. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo isagu lahaa bilaawga weerarka car iyo wirta ah, ee isaga Musharraxiisa waxa uu yidhi sidan. "..Xisbigu maha meel lagu caytamo hadduu rabbo inuu caytamo afkiisa haku caytamo. Shalay ayaanu fadhiisanay raali-gelina waanu ka bixinay, imikana anigoo Gudoomiyaha ah-baan idiin sheegayaye dadka la af lagaadeeyey Xisbigu lama qabo, waana arrin isaga ku kooban..”. Gudoomiye faysal Cali Waraabe oo si gaar ah uga hadlaayey Musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen, waxa uu mar kale yidhi, "..Yaa yidhi waa Musharrax marka la fadhiisto weeye taasi, maalintii aanu Musharraxa ka dhigeynay waxanu ahayn Urur oo xisbi maanu ahayn, waana arrin Xisbiga u taal, halkaasina Musharaxu kasoo bixi doona. Maha xisbigu in laga dhigo dad lagu shaqeysanaayo, magacana lama isticmaali karo, dadkana lama caayi karo..”. Geesta kale, Mushaarrax Jamaal Cali Xuseen oo hadalka Gudoomiyihiisa kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa diffaacay sharciyadda Musharraxnimadiisu ku fadhido, isagoo arrinka musharraxnimadiisa ka hadlayana waxa uu yidhi, ".. aniga gole dhexe ayaa la igu doortay Faysalna afkiisa igagama qaadi karo, isagana kamid ahaa dadkii gacanta i taagay. Arrimahaas oo dhanna waa la hayaa, markhaatigoodi iyo Fidyow iyo qoraal intaba ah..”. Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaayey muranka xisbiga iyo qadiyadda Faysal Cali Waraabe waxa uu yidhi, "..Faysal Cali Waraabe waa Ninka loo soo adeegsanaayo inuu xisbiga bur-buriyo, Ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo Muuse Biixina wuu u shaqeynayaa, in badan-baanu afka ka dhawraynay oo xishoonaynay, laakin inaanu nidhaahno maanta way nagu kaliftay..”. Teeda kale, Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo sharaxaayey asbaabaha Gudoomiye Faysal ku kalifay raali-gelinta uu ka bixiyey hadalkiisa, waxa uu yidhi ".. Ganacsade Maxamed Aw Siiciid iyo Muuse Biixina, waa kuwii u shaqaynaayey ee soo dirtay (Faysal) marka inuu u hadlo oo xaal siiyo garbuu u leeyahay. Aduunka wax noocan oo kale ah maynaan arag, Faysal malaha fekeraaye oo ay la tahay intuu na khiyaameeyo uu yidhahdo xisbiga isoo saara, oo lacagta iyo maalkiina isticmaala, oo weliba Codkiina aan isticmaalo, kadibna intaan cadowgiina lasoo heshiiyo Guryo ha i dhisaan Musharrax Waraaba u taag ahna ha iga dhiggaan intay Lacag i siiyan, waxaa ragga loolama tago, hadii Faysalow taas aad ku fekereysid inay ku suurto gasho, wallee inaanad Habeen Jirin. Waxanu ka dhammaan weynay Faysal Cali Waraabe oo Wankii Xisbiga xaraash ka dhigay, oo marba uu meel la wareego, ila oo uu imika Xisbiyaddii naga soo horjeeday uu ku yidhadho Lacag i siiya Jamaal-baan Dilayaayee, halkaas ayuu dilaalnimo marinayaa, hadda waxanu go’aan ku qadanay inaanu maxkamad geyno xisbiga. Faysalna waa Ninkii ugu horreeyey taarikhda somaliland ee mar labaad Maxkamad la geynaayo, sidaa inuu taarikhda ku galo ayaanu rabbaa..”. Khilaafka hadda ka dhex qarxay Jamaal iyo Faysal oo ahaa mid in muddo ah soo jiitayey, ayaa karkiisa hadda waxa uu muuqda inuu galay wareegii kama danbeysta ahaa ee ay ku kala haadhaayeen Gudoomiye Faysal iyo Musharrax Jamaal. In kastoo badi khilaafka xisbiga Ucid loo aanaynaayo masuuliyaddiisa madaxtooyada iyo xisbiga tallada haya ee Kulmiye, balse haddana, taa darteed lagama rajo xummaan karo natiijadda Gudoomiyaha Maxkamada sare, waa haddii khilaafka xisbiga Ucid uu galo maxkamadda sare, waxana kiiska Xisbiga Ucid hadii uu maxkadamada galo uu noqon doona mid taarikhda Gudoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali taarikhdiisa ku qorta baal badow ama baal cad. Aayo ka talinta noloshiisa danbe iyo taarikhiisuna waa mid u taala Gudoomiye Aadan X Cali. -

Afkashacabka

Hargisa Office