Madaxwaynaha Somaliland & Guddomiyayaasha Golayaasha Qaranka Oo Isla Qaatay In Muddo Hal Bila Dib Loodhigo Diiwaangalinta +Sawiro

0
Monday March 28, 2016 - 15:26:53 in by salman abdi
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliland & Guddomiyayaasha Golayaasha Qaranka Oo Isla Qaatay In Muddo Hal Bila Dib Loodhigo Diiwaangalinta +Sawiro

    kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii loogu damqan lahaa shacbiga Somaliland ee ay soo foodsaartay Abaarta baahsan ee Dad iyo Duunyaba saamaysay, ayaa lagu gorfeeyey sidii dib loogu dhigi lahaa diwaangelinta codbixiyeyaasha madaama oo xaaladu wakhtigan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii loogu damqan lahaa shacbiga Somaliland ee ay soo foodsaartay Abaarta baahsan ee Dad iyo Duunyaba saamaysay, ayaa lagu gorfeeyey sidii dib loogu dhigi lahaa diwaangelinta codbixiyeyaasha madaama oo xaaladu wakhtigan ku adag tahay shacbiga la rabo inay is diwaangeliyaan. 1


 

34567891011

2

Waxa uu madaxweynuhu Shir Guddoonka Labada Gole Baarlamaan, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran, u akhriyey qodobadan hoos ku xusan oo u dhignaa sidan:-

• Shirkan waxaan idinku yeedhay in aynu ka wada tashanno sidii aan isu waafajin lahayn Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha laga qabanayo Gobollada hadhay iyo Gurmadka bini-aadannimo ee inagala gudboon xaaladda abaaraha ka sii daraysa.

• Waxaan ku hambalyeynaya Guddida Doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranka sida ay isaga xil saareen taabba-galinta Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha, waxaana waajib ah in aynu dhammaystirno mashruucan sidii loogu talo galay innagoo midaysan.
• Waxaan idiin caddaynaya in ay Madaxweyne ahaan iga go’an tahay in aan dalkan ka suurtogaliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta xilligii loogu talo galay. Waxaan ka soo horjeeda sabab kasta oo dib u dhig keeni karta.

• Sidaad la socotaan, xaaladda Abaaraha ee dalku way ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambaysa. Sidaa darteed, waxa inaga saaraan masuuliyad Qaran iyo gurmad deg deg ah in aynu ka geysanno.

Haddaba, waxa isoo gaadhaya talooyin badan oo farta ku fiiqaya in loo baahan-yahay in wakhti kooban la hakiyo diiwaangalinta si loogu gacan baxo gurmadka abaaraha. Arrintaa darteed, waxaan jecelahay innaga oo aan is tuhmin in aynu talo wadaag ka yeelanno.

• Ugu dambayn, maadaama aynu ku jirno marxalad adag, waxaan idinkula dardaarmaya in aynu gees uga soo wada jeedsanno una midawno maslaxadda ummadda, danaha guud ee Qaranka iyo Gurmadka Abaaraha.

Ilaahay arrimahaa ha inoo sahlo, abaartana ha inaga jeediyo.. Aamiin..Aamiin

Intaasi ka dib markii shirku soo xidhmay, waxa saxaafada si wada jira ula hadlay Shir gudoonka labada gole Barlamaan, Labada Xisbi Qaran oo madaxweynaha ku hambalyeeyey go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay iyaguna ay ku raaceen kuna taageersan yihiin wixii shacbiga u dan ah, halka xisbiga Waddani ay u kala jabeen laba garab oo gdoomiye cirrona uu taageeray go’aankii Madaxweynaha sheegayna in wixii danta qaranku ku jiro wuu ku raacay madaxweynaha iyo Xubnihii isaga la xisbiga ahaa ee shirka ka soo qaybgalayna ay ku gacan saydheen gudoomiye cirro diideena in aanay la qabin go’aankiisa,



 Contact@afkashacabka.com