Golaha Fulinta ee xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer oo xil ka xayuubin ku sameeyey Guddoomiyihii Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Togdheer.

0
Saturday February 15, 2014 - 07:38:05 in by Super Admin
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Fulinta ee xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer oo xil ka xayuubin ku sameeyey Guddoomiyihii Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Togdheer.

    Golaha Fulinta ee xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer oo xil ka xayuubin ku sameeyey Guddoomiyihii Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Togdheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Fulinta ee xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer oo xil ka xayuubin ku sameeyey Guddoomiyihii Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Togdheer.


Warsaxaafadeed kooban oo ay soo saareen Khamiistii oo loo qaybiyey warbaahinta ayaa waxa uu dhignaa sidan:

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID

Gobolka Togdheer

                  UJ: XIL KA XAYUUBIN

"Maanta oo ay bishu tahay 13-02-2014 maalin khamiis ah waxay Golaha Fulinta ee xisbiga UCID ee gobolka Togdheer Xilkii iyo xubinimadii xisbiga ba ka qaadeen Siciid Cabdilaahi Cumar oo ahaa Guddomiyihii garabka dhalinyarada ee xisbiga, kadib markii uu la jaanqaadi kari waayey siyaasaddii xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee uu ka midka ahaa, waxayna masuliyinta xisbiga ee heer gobol iyo golaha fulintuba u arkeen inu xisbiga ka dhex wado, kala jabin, isku dir, qof jeclaysi, xaalad Abuur iyo waxyaabo kale oo ka mamnuuc ah qofka iyo xisbiyada siyaasiga ah” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan.


Golaha Fulinta ee xisbiga UCID aya eedayn kulul u soo jeediyey xubinta ay xisbigood ka caydhiyeen, waxayna sheegeen in xattaa lagu helay danbiyo ka baxsan anshaxa oo ay kaw ka tahay xaalad abuur uu ka dhex sameeyey dhalinyarada Gobolka, kuna lug lahaa waxyaabihii dhalinyarada ka dhex dhacayey beryihiin u danbeeyey, marka loo digo ee laga waaniyo na uu ka sii badinayey.


Waxay kaloo xuseen in Xisbigu siyaasad cad ka leeyahay cid kasta oo lagu qabto danbiyo noocan ah, ama iska horkeen iyo isku dir Bulsho, ugana digayaan xisbiyada kale ee qaranka in shakhsi noocaas ah ay soo dhoweystaan.


Golaha Fulinta ee xisbiga UCID waxay kalo warbaahinta si gaar ah ugu sheegeen in siciid cabdilahi cumar yahay shakhsi lacag jecel oo hadba meesha qaadku maalintaas ugu jiro uu tago, isla markaasna uu ahaa shakhsi dano badan oo dhaqaale uu ku urursanayo ku fushaday masuliyaddii uu ka hayey xisbiga UCID.


Waxay ku soo gunaanadeen warsaxaafadeedkooda inaanay u dul qaadan doonin cid kasta oo dano gaar ah oo ay leedahay ku fushata magaca xisbiga UCID.


Waxaana Warsaxafadeedkan ku saxiixnaa Afhayeenka Xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer……

Khadar Maxamed Xirsi

 





Afkashacabka.com

Burco / Office