
Wasiirka Arimaha Guddaha Oo Xadhiga Ka Jaray Huteel Cusub Oo Laga Hirgaliyey Caasimada Hargaysa.
Munaasibada Loo Sameeyay Xadhig Ka Jarida Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Mulkiiha Hutelka,Wasiirka Arrimaha Gudaha,Moyar Ku Xigeenka Hargaysa,Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada,Boqoro,Salaadiin,Cuqaal Iyo Waxgarad Kale.



Ugu Horeyna Waxa Munaasibada ka hadlay Faah-Faahina Ka Bixiyay waxyaabaha uu hudheelkani qaban doon Mulkiihaha Huteelka Cabdilaahi Kaahin waxaana uu sheegay inuu hudheelkani dhamaan bulshada iyo qurbaha joogtaba u faran yahay,isla markaasna uu qancin doono qofkasta oo soo gala hudheelka waxaana uu yidhi”
"Dhamaantiin waxaan idinku soo dhawaynayaa huteelka Royal ,waxaana idiinka mahad naqayaa sida wanaagsan ee aad uga soo qayb gasheen,Kolay anigu waxaan ahay nin qurbe jooga ah waxaanan rabaa inaan dalkayga hooyo wax kala soobaxo maantana waydinkaas arkaya oo waxaan ka sameeyay Huteelka kaas wayn oo aad ka heli kartaan cuntooyinka noocyadii ugu danbeeyay Hoolwayn iyo goob la iskaga laydh sado,halkana waxa dhistay shirkada caalamiga ah ee AL Najax oo binayse dhismahaas heerka sare leh Iyana waxaan leeyahay waad mahad santiin.
Dhinac kale waxa isna munaasibada ka hadlay Cabdi kariin Axmed Mooge Kuna hadlayay magaca xaafada Masalaha waxaana uu si aad ah usoo dhaweeyay huteelkan”
"Hadaanu Nahay Xaafada Masalaha aad iyo aad ayaanu usoo dhawaynayaa Huteelka Casriga ah ee laga bineeyay halkan aanu dagnay ,aad ayaanu ugu farax sanahay waanan is garab taagi doona,xaafaduna inbadan ayay tabayse huteelkan oo kalaa waxaana uu waxbadan ka tari doonaa baahidii macaamiisha oo waxa uu noqon doonaa huteelkii diif reeb oo kalaa,shacabku marka ay soo talaabaan waxaanu doonaynaa in ay arkaan huteelkan kuna nastaan hawadiisa iyaga oo waliba u bogi doona nadaafadiisa.
Sidoo kale Waxa isna munaasibada Hadal kasoo jeediyey Boqor Raabi Yuusuf Ducaale waxaana uu ku dheeraaday Ahmiyada uu huteelkani kusoo kordhin Doono Somaliland”
"Waxaan Runtii aad iyo aad ula dhacsanahay oo goorahanba aan layaabanaa huteelka quruxdiisa,waxaanan is waydiinayay tolow huteel kale oo kalaa’i Hargaysa am somaliland ma ku yaal,waxaanan ka marag ahay in cidii dhistay huteelkani ay ku faro yaraysatay,aad Ayaan usoo dhawaynayaa huteelkan waxaana xukuumada iyo shacabkaba ugu baaqayaa uu ka kow yahay Wasiir waran cade inuu xafladaha u badiyo Huteelkan si uu kor ugu soo kaco.
Moyar ku xigeenka caasimada somaliland ee hargaysa Oo Isna halkaasi ka hadlayaa ayaa isna waxa uu yidhi”
"Waxaan anigu balan ku qaadayaa waxaan ahay ragaas ku jira dawladee inaan ku qabto xafladaha am shirarka aanu yeelan doono,waxaanan balan ku qaadi doonaa hadaanu nahay golaha deegaanka ee hargaysa inaanu magaalada waxbadan kusoo kordhin doono madaama oo ay dalkii horumar badani ka socdo oo uu ka kow yahay huteelka Casriga ee uu dhisay Ninka Qurba jooga ahi waxaanan leeyahay dalkiina waxbadan ayuu u qabtay.
Wasiiru dawlaha madaxtooyada somaliland oo isna munaasibada ka hadlayaa ayaa mukiilaha huteelka u mahad-naqay horumarka balaadhan ee uu dalka ka wado iyo sida uu u dhisaya huteelka casriga ah waxaana uu ku booriyay inuu wixii kale ee uu dhisi karo halkaas kiis wado,Quruxdaas uu dalka kusoo kordhiyayna ladoonayo in ay qurba joogtuna ku cimra qaataan oo dalkooda soo dhisaan.
Gaba-Gabadii Waxa Munaasibada Soo Gunaanaday Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade waxaana uu xadhiga ka jaray Huteelkan Casriga ah waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan”
"Marka hore waxaan u mahad naqayaa Hantiilaha Huteelka iyo marwadiisa oo aan odhan karo waxa ay ku dhaqaaqeen talaabo geesinimo leh,Ninka hudheelkan dhistay waxa uu ahaa geesiyadii somaliland soona ahaa Janaraal Ciidan isla markaasna ay ka muuqato Fir-Fircooni, waxaanan anigu leeyahay Cabdilaahi dalka waxa badan ayaa uu kusoo kordhin doonaa,Halkan waxa inala fadhiya raga cabdilaahi ka lacag badan oon hadan wadanka waxba u quudhayn madaamo oo ay yihiin qurba joogtii dalka,dadka inta badan jecel Horumarka ayaa uu cabdilaahi ka mid yahay,hudheelkan cusub ee uu dalka ka hirgaliyayna sifiican ayaa uu nooqanciyey.
Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com





0 

Wasiirka Arimaha Guddaha Oo Xadhiga Ka Jaray Huteel Cusub Oo Laga Hirgaliyey Caasimada Hargaysa.
Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade Ayaa Maanta Xadhiga Ka Jaray Hudheel Cafe And Rasturants oo Casri Ah,Looguna Magac Daray Royal kaas Oo Laga Bineeyay Duleedka Koonfureed ee magaalada Hargaysa.