
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Xadhiga ka Jaray Masaajid Weyn Oo laga Hir Galiyey Madaarka Cigaal Ee Magaalada Hargaysa
Masaajidkani oo ay halkii mar ku tukan karaan dad gaadhaya ilaa 800 qof ayaa waxa maal galintiisa bixisay Hay’ada khayriga ah ee Qatar Charity Fun, waxana maanta loo qabtay munaasibad balaadhan oo xadhiga laga jarayey.
Munaasibadaasi ayaa waxa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirada Duulista & Hawadda, Diinta iyo Awqaafta, Ciyaaraha, Wasiir ku xigeenka warfaafinta, Wasiiru dawlaha madaxtooyada, Culimo, salaadiin iyo dad weyne tiro badan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), oo munaasibadaasi furitaankeedii ka hadlay ayaa yidhi " dhamaan ka soo qayb galay iyo martida sharafta leh, waan soo dhawaynayaa aad iyo aad ayaad ugu mahad san tihiin inaad naga soo qayb gashaan furitaanka masaajidka weyn ee aanu ka hir galinay Madaarka Cigaaal Airport, halkan waxaan ka soo jeedin lahaa in masaajidka quruxda badan ee haya’ada Qatar Charity ay nagu caawisay in nadaafadiisa iyo shaqaalaha ka hawl gali doona aanu anagu ka wasaarad ahaan dhabarka u ridan doono, sidaasna aanu u ilaalin doono.”
Maamulaha Xafiiska hay’ada Qatar Charity ee Somaliland iyo Soomaaliya Sheekh Maxamed Xuseen Cumar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " akhiyaarta qiimaha badan ee inagu sharfay inay inagala soo qayb galaan furitaanka masaajidka Cumar binu khadaab ee hay’ada Qadar ee khayariga ah ay ka dhistay madaarka Hargeysa ayaad ayaan ugu mahad celinayaa, hay’adani waxay mashruucan hir galisay iyadoo la kaashanaysa Wasaaradda Duulista Somaliland, waxa aanaan ilaabi doonin doorkii Wasiirka duulistu uu ku lahaa hir galida mashruucan, Wasiir Maxamuud Xaashi aad ayuu noo gacan qabtay, guud ahaan Xukuumadda Somaliland waxa aanu ugu mahad celinaynaa sida ay nooga gacan qabato dhamaan mashaariicda horumarineed ee aanu ka wado Somaliland.”
Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ku hadlayey magaca culimada Somaliland ayaa isna yidhi " Masaajidkan aynu maanta u fadhino furitaankiisa ee ay noo dhistay Hay’ada khayriga ah ee Qatar ee uu inaga la joogo walaalkeen Sheekh Maxamed, ILAHAY waxaan ugu bayayaa inuu ka abaal mariyo, Todab sano ka hor waxa aynu wada garanaynaa iyadoo masaajida Hargeysa ku yaalaa ay kooban yihiin, ALLE fadligiisa maanta masaajidadu meel walba way ka dhisan yihiin, meel walba Minaarad ayaa ka taagan, madaariistuna way inoo dhismeen, ALLE ayeynu taas abaal kaga doonaynaa.”
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo sigauna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " maanta oo ay jimce tahay waxa aynu halkan u nimid inaynu ku wada faraxno oo aynu ALLE uga mahad celino inuu inoo suuro galiyey masaajidkan qiimaha badan ee laga dhisay Madaarka Caasimada ee Cigaal Internatoinal Airport oo baahi weyn loo qabay, sidoo kalena dhismahani wuxuu ka markhaati kacayaa inaynu nahay umad maslim ah oo diintooda ku dhaqmaya , anaguna ka wasaarad ahaan waxaanu is leenahay waa dhismihii 484, ee masaajid ah ee hargeysa ku soo biiray waana masaajid ku soo biiraya 118 masaajid ee khudbada Jimcaha laga akhriyo, farxad gaar ah ayey anaga wasaarad ahaan noo tahay dhismaha masaajidkani, cidii dhistayna ALLE abaal ayuu u balan qaaday, sidoo kalena ALLE wuxuu cadaab iyo ciqaab u balan qaaday kuwa masaajdiada dumiya ee khariba, kuwaas dhisayna Iimaan ayuu ALLE u balan qaaday.”
Wasiirka Duulista iyo Hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " waxaan u mahad naqayaa hay’adii mashruucan inoo fulisay ee Qatar al Khayriya, masaajidadu waxay ka mid yihiin adeegyada ay Umadu u baahan tahay ee ay uga baahan tahay goob walba oo madaaradauna ay ka mid yihiin, waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa shirkadii dhistay masaajidka oo ah shirkada Daryeel oo wax weyn galisay dhismaha masaajidka, qaabkii masaajdika lagu qiimeeyey wax badan ayey ka badaleen, wax badana way galiyeen oo way u hureen, ALLE waxaan ugu bayayaa inuu ka abaal mariyo, madaarku wuxuu lahaa masaajid yar oo hore, waxana laga maarmaan noqotay in masaajidkaas hore mid ka weyn loo baahan yahay, masaajdikaasna waxaanu ku tala jirnaa in aanu dumino waayo dhul ahaan ayaanu u baahanahay, masaajidkaasina mid waqaf ah ayuu ahaa oo dad ayaa hore u dhisay, waxaanan halkan ka cadaynayaa in ka Xukuumad ahaan in aanu masjaajdikaas mag dhabi doono, hanti ku munaasib ahna aanu dhisi doono.” Ayuu yidhi Wasiirka Xaashi.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylic) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " dhamaanteen maanta waxa inoo farxad ah inaynu ka qayb galo furitaanka masaajidka lagu soo biiriyey Madaarkeenii Cigaal Internatoinal Airport, waxay farxad u tahay guud ahaan umadda reer Somaliland iyo umadda masulimiinta ahba, waa mid aynu dhamaanteenba ku farax san nahay, hadii qof uu maanta furto hotel isaga iyo Saaxiibadii ayaa ku farxa, laakiin masaadjika dhamaan umadda Islaamka ah ayaa ku faraxda, waana wax aad u wanaagsan , Haya’ada Qadar Al Khariya iyo Sheekh Maxamed waan ku amaanayaa, waxa ina saaran masuuliyada ah inay Aduunkeena iyo Aakhriradeenaba hagaajisano, hadii aynu Madaarka hore wax badan ugu qabanay, inay masaajidka wax ka qabanaa waa arin wanaagsan, masaajidka wanaagsan ee nadiifta ahi wuxuu dhiiri galiyaa cibaadada, qofka muslimka ahina marka ay salaada gaadho ee uu arko masaajid agtiisa ka dhisan oo waysadii leh, oo masqushii leh oo nadiif ah, taasi waxay ku dhiiri galinaysaa in faralkii saarnaa uu iska rido.”
Madaxweyn ku xigeenka Somaliland ayaa sidoo kalena Wasaaradda Duulista ku amaanay sida ay isaga xil saartay horumarinta Madaarka Cigaal waxaanu yidhi " Wasaaradda Duulista oo uu ugu horeeyo Wasiirku waxaan ku amaanayaa, waanan ku dhiir galinayaa hawsha ay wadaan iyo sida ay quruxda madaarka ugu shaqeeyaan, cid kasta oo mashruuca masaajdika ka qayb qaadatayna waxaan Leehayay walaalayaal ALLE ha idinka abaal mariyo.” Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeen Saylici.
Daawo Sawirada Badan oo Ku saabsan Xadhig Ka Jarista
Afkashacanka.com
Hargaysa.Office
Contact@afkashacabka.com





0 













Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Xadhiga ka Jaray Masaajid Weyn Oo laga Hir Galiyey Madaarka Cigaal Ee Magaalada Hargaysa
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme Masaajid balaadhan oo laga hir galiyey Madaarka Hargeysa.