Xukuumadda, ayaa wada hadashiisay odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda deegaanada Buuhoodle iyo Qori-lugud oo shaqaaqadu ku dhex martay Maygaagle
"Labada Dhinacna Dad Wanaagsan-baa Ka Joogay Oo U Diyaar Ah In Xal La Gaadho, Waxaana Dhacay Wadahadallo Aan Gacmo Isku Saarka Ka Duwanayn..” Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland
Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dedaallo lagu soo afjarayo shaqaaqo ka dhalatay qof Salaasadii lagu dilay deegaanka Maygaagle oo ku dhow Magaalada Buuhoodle, halkaasi oo markii dambe la sheegay in labada beelood ku dagaalameen.
Xukuumadda, ayaa wada hadashiisay odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda deegaanada Buuhoodle iyo Qori-lugud oo shaqaaqadu ku dhex martay Maygaagle, ka dib markii nin ka soo jeeda Qori-lugud oo lagu dilay Maygaagle uu sababay dagaal uu qof labaad ku dhintay, mid kalena ku dhaawacmay.
Shaqaaqada dhimashada iyo dhaawaca keentay, oo aan ilaa hadda ubucdeeda aan la ogeyn, ayaa waxa xukuumadda Somaliland u dirtay Wasiirro dhowr ah, kuwaasi oo ka hawl-galay sidii arrintaasi loo dhamayn lahaa, si looga gudbo dhiig dambe oo daata.
Wasiirrada Wasaaradaha Macdanta, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Boosaha, Maxamed Jaamac Abgaal iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ganacsiga, Bashiir Cabdi Xariir, oo kaashanaya Madax-dhaqameed ka soo jeeda labada dhinac, ayaa ku guuleystay inay isfaham kala dhex dhigaan labada dhinac isla-markaana hawsha inteeda badan xal laga gaadho, sida uu sheegayo Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, Maxamed Jaamac Abgaal "Hawshaasi 80% way dhamaatay, markii horena (Intaan dilalka cusub dhicin) waxa loo diyaar-garoobayey sidii loo dhamayn lahaa wixii hore uga dhexeeyay, markaa hawshaasi si wanaagsan ayay u dhammaatay, labaatanka hadhayna waxaanu kaga nimid niman Salaadiin ah oo iyagu aqoon leh (Xallinta khilaafaadka)…” ayuu yidhi, Wasiirka Boosaha ee Somaliland, Maxamed Jaamac Abgaal oo xalay u waramay Wargeyska Somalilandtoday, isaga oo ku sugnaa Magaalada Burco.
Wasiirku waxa uu sheegay inay wada hadashiiyeen odayaasha labada dhinac "Labada dhinacna dad wanaagsan-baa ka joogay oo u diyaar ah in xal la gaadho, waxaana dhacay wadahadallo aan gacmo isku saarka ka duwanayn, oo aanu kaga nimid, dadkuna waa dad is garanaya oo is dhaqan iyo dabeecad garanaya, waxaana soo daashaday (dhibaatada colaadda)…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Burco ayaanu joognaa, laakiin waxaanu u mahad-celinaynaa waxgaradka labada dhinac oo u diyaar ah in wax walba dhammaadaan..”
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo shaqaaqada ka dhacday Maygaagle ay ku soo beegan tahay isaga oo ku sugan Magaalada Buuhoodle, ayaa isaguna mar uu shalay la hadlay saxaafadda deegaankaasi shacabka uga digay dilalka siyaasadeysan "Ha laga digtoonaado dilalka siyaasadeysan” ayuu yidhi, Wasiirka caafimaadka Somaliland.
Xukuumadda Oo Isfaham Ka Dhex Abuurtay Beelihii Shaqaaqadu Ku Dhex Martay Maygaagle Iyo Wasiir Xaglo-toosiye Oo Ka Digay Dilalka Siyaasadeysan
Xukuumadda, ayaa wada hadashiisay odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda deegaanada Buuhoodle iyo Qori-lugud oo shaqaaqadu ku dhex martay Maygaagle