Chelsea Oo Ku Durdurisay Aston Villa Xili Alexandre Pato Uu Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeeyay

0
Sunday April 03, 2016 - 08:15:03 in by Burco Office
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Ku Durdurisay Aston Villa Xili Alexandre Pato Uu Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeeyay

    Afar gool oo ay kala dhaliyeen Ruben Loftus-Cheek, Alexandre Pato iyo laba gool oo ka timid Pedro ayey Chelsea ku xasuuqday Aston Villa oo aad moodo iney xili ciyaareedka dambe ka ciyaari doonto heerka labaad kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka V

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar gool oo ay kala dhaliyeen Ruben Loftus-Cheek, Alexandre Pato iyo laba gool oo ka timid Pedro ayey Chelsea ku xasuuqday Aston Villa oo aad moodo iney xili ciyaareedka dambe ka ciyaari doonto heerka labaad kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Villa Park. Chelsea waxey haatan dhibcaha barbaraha kala tahay Liverpool iyadoo leh 44-dhibcood, balse kooxda ka dhisan Merseyside ayaa goor dhaw la ciyaari doonta Tottenham Hotspur.


Chelsea ayaa bilowgii ciyaarta ku bilowday si xamaasad leh iyadoo durba handadaad ku bilowday Villa oo gurigeeda joogta.

Pedro Rodriguez ayaa si qurux badan dhulka ugu rafaadiyay mid ka mid ah xidigaha Villa ka hor inta uusan lugta midig kubad awood leh goosha kula beegsan balse birta korkeeda ayey ka martay daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta.

Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 26-aad markii kubad uu dhinac midig kasoo tuuray Azpilicueta uu sii raaciyay Loftus-Cheek, xidig ka tirsan Villa ayeyna kusii dhacday.

Daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta ayey Villa u dhawaatay iney hesho gool barbaro ah markii daafaca Blues uu kubad ku garaacay Jordan Ayew iyadoo la joogo xerada ganaaxa, balse Courtios ayaa si fiican u qabsaday.

Guzan ayaa badbaadiyay kubad gool labaad ay ku dhalin kareen Blues markii Fabregas uu kubad halis ah u gudbiyay Baba Rahman balse xidiga madow kubada goolhayaha ayuu ku garaacay daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta.

Dhamaadkii qeybta hore ciyaarta Chelsea ayaa lagu abaalmariyay gool ku laad markii Pato dhulka la dhigay, isaga ayaana gool u badalay waana goolkiisii ugu horeeyay oo uu kooxda u dhaliyo.

Qeybtii hore ayaa lagu kala maray 0-2, oo ay ku hogaamineyso Blues markii la isku soo laabtay Oscar iyo Pato ayaa ciyaaray kubad hal iyo labo ah ka hor inta uusan Oscar kubada banaanka usoo dhigin Pedro oo goolkii sadexaad ansixiyay daqiiqadii ugu horeysay qeybta labaad.

Pedro ayaa mar kale murjiyay Aston Villa markii uu ka dhaliyay goolkii afaraad daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta wuxuuna ka faa’ideystay kubad uu goolhaye Guzan kasoo badbaadiyay Pato.

Blues ayaana si fiican u raaxeysatay waxeyna heleen guul muhiim ah iyagoo haatan soo nooleeyay hamigooda ay ka qabaan tartamada yurub iney usoo baxaan.

Natiijada ciyaarta ayaana ku dhamaatay 0-4, oo ay guusha ku raacday kooxda Chelsea, Aston Villa ayaana u eg koox tartiib ugu xaluulan rabta Heerka labaad.