"Haddii Aan Ogaan Lahaa Inaan 10 Nin Ku Badineyno Xilli Hore Ayaan Casaan Qaadan Lahaa"Sergio Ramos

0
Sunday April 03, 2016 - 08:27:12 in by Burco Office
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Haddii Aan Ogaan Lahaa Inaan 10 Nin Ku Badineyno Xilli Hore Ayaan Casaan Qaadan Lahaa"Sergio Ramos

    Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa ku kaftamay inuu xilli hore casaan sii qaadan lahaa haddii uu ogyahay in kooxdiisa ay 2-1 ku garaaceyso kooxda ay cadaawada kala dhaxeyso ee Barcelona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa ku kaftamay inuu xilli hore casaan sii qaadan lahaa haddii uu ogyahay in kooxdiisa ay 2-1 ku garaaceyso kooxda ay cadaawada kala dhaxeyso ee Barcelona.


Madrid ayaa soo laabasho cajiib ah sameysay kulankii Clasico ee xalayto inkastoo ay todobadii daqiiqadood ee ugu danbeysay ay ku ciyaarayeen 10 ciyaaryaha ka dib markii uu Ramos casaan ka qaatay.

Ramos ayaa la siiyay jaalihiisa labaad markii uu qalad ku galay Luis Suarez, laakiin kooxda Los Blancos lagama beeninin waxba iyadoo Cristiano Ronaldo uu dhaliyay goolka guusha labo daqiiqadood ka dib ka dib markii uu Karim Benzema kansalay goolkii Gerard Pique daqiiqadii 56aad.

sergioramos-cropped_1ky1po7vb7pfj1jacsyx4w5gxr

Isagoo hadlayay ka dib ciyaarta, Ramos ayaa u sheegay suxufiyiinta: "Waxaan geysanay dhibaato badan qeybtii labaad, iyadoo hal ciyaaryahan uu inaga maqan yahay.

"Haddii aan ogaan lahaa waxa dhici lahaa iyadoo ciyaaryahan inaga maqan yahay, oo aan ogaan lahaa inaan ku guuleysan laheyn, waxaanba casaan qaadan lahaa daqiiqadii shanaad.”

Kooxda Real Madrid ayaana ka aarsatay kooxda ay xafiiltamaan kuwaasoo Madrid uga soo badiyay horaantii xilli ciyaareedkan garoonka Bernabeu, iyadoo Los Blancos ay haatan todobo dhibcood u soo jirsatay kooxda hogaamineysa horyaalka ee Barcelona.

"Waxa ugu fiican kubada cagta ayaa ah inay ku siineyso fursad aad ku aargudato” ayuu yiri daafaca.

"Waa qasab inaad cagta dhulka ku heyso. Taageerayaasheena waa ay u qalmeen guushaan ka dib dhibaato badan oo aan marnay. Muhim ayay aheyd inaan halkaan ku imaano heerkeena ugu fiican.”