"Dadwaynaha Reer Somaliland, Ha Weyneeyaan Maalinta Gooni Isku Taagooda" Sheekh Aaden Siiro

0
Saturday May 17, 2014 - 10:14:36 in by salman abdi
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dadwaynaha Reer Somaliland, Ha Weyneeyaan Maalinta Gooni Isku Taagooda" Sheekh Aaden Siiro

    Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro), oo ka mid ah culimada Somaliland, ayaa dadwaynaha reer Somaliland ugu baaqay inay si weyn u xusaan maalinta Gooni isku taaga ee 18-ka May.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro), oo ka mid ah culimada Somaliland, ayaa dadwaynaha reer Somaliland ugu baaqay inay si weyn u xusaan maalinta Gooni isku taaga ee 18-ka May.


 

 

Sheekh Aaden Siiro, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadweynuhu ay muujiyaan waxa ay doonayaan isla-markaana calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo astaamaha xuska 18-ka May meel walba laga muujiyo.


Sheekh Aaden Siiro, ayaa ka hor khudbaddii Jimacaha ee shalay ka hadlay muhiimadda maalintani u leedahay Somaliland.


Sheekh Aaden Siiro, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi "Dadwaynaha reer Somaliland, waxaanu ku dhiirigalinaynaa maadaama oo ay tahay Maalintii gooni isku taaga Somaliland inay u soo baxaan oo ay weyneeyaan oo ay muujiyaan waxa ay doonayaan, oo ay aad iyo aad culays u saaraan, meheradahana aad ha uga muuqata”ayu yidhi sheekhu


Sheekh Aaden Siiro, waxa kale oo uu ka hadlay muhiimadda ilaalinta ammaanka "Waxa kale oo lagama maarmaan ah inay u foojignaadaan nabadgalyada oo ay dhaqdhaqaaqa aad u ilaaliyaan, wixii ILAAHAY inoo diidayna aynu iska ilaalino (dhaqan xumada), dumarkuna is ilaaliyaan” ayuu yidhi sh. adan siiro







Contact@afkashacabka.com