DAAWO SAWIRADA CALANKA SOMALILAND OO LAGA HORQOTOIYEY AQALKA LOOGA ARIMIYO BRISTOL +JAALIYADA SOMALILAND OO HALKAA KU QABATAY XAFLAD LOOGU DABAAL DAGAAYO 18 MAY

0
Saturday May 17, 2014 - 11:21:24 in by salman abdi
  • Visits: 4145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO SAWIRADA CALANKA SOMALILAND OO LAGA HORQOTOIYEY AQALKA LOOGA ARIMIYO BRISTOL +JAALIYADA SOMALILAND OO HALKAA KU QABATAY XAFLAD LOOGU DABAAL DAGAAYO 18 MAY

    Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loogu dabaal degeyay 23 Guurada ka soo wareegtay Madaxbanaanida Somaliland ayaa maanta dhacday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loogu dabaal degeyay 23 Guurada ka soo wareegtay Madaxbanaanida Somaliland ayaa maanta dhacday

Magaalada Bristol. Xafladan oo ay soo abaabuleen Jaaliyada ku dhaqan magaalada Bristol oo ay hor kacayeen Xildhibaan Hibaaq Jaamac oo muwaadinad Somaliland u dhalatay oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Bristol iyo Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo ay kasoo qayb galeen dad aad u tiro badan ayaa waxay ahayd mid si weyn loogu dabaal degay Madaxbanaanida Somaliland.

Xafladan ayaa waxaa sidoo kale kasoo kasoo qayb galay Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka ee Somaliland oo kala ahaa Xildhibaan Cabdilqaadir Jirde iyo Xildhibaan Saleebaan Bukhaari, waxaa kale oo ka soo qayb galay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka UK Hon Stephen Williams MP.

Masuuliyiinta Halkaas ka hadashay waxay dhamaantood tilmaameen in la soo gaadhay Xiligii uu Caalamku Aqoonsan lahaa Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay bulshada reer Somaliland ku boorriyeen inay gacmaha is qabsadaan oo ay ilaaliyaan Qaranimadooda.

Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo ka socday Xukuumada Somaliland ayaa tilmaamay in muwaadin kasta oo Jamhuuriyada Somailand u dhashay looga baahan yahay inuu u hawl galo sidii uu Qarankeenu aqoonsi buuxa u heli lahaa, waxaa kale oo Safiirku dadweynaha reer Somaliland ee madasha joogay uu gaadhsiiyay Salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo sheegay in hawlo shaqo darteed ay wafdigii Somaliland ka yimi ay ugu suurtoobi weyday inay xaflada maanta ka soo qayb galaan.

Gebogabadii Calanka Jamhuuriyada Somaliland ayay si wadajir ah Safiirka iyo Xildhibaan Hibaaq ay uga hor qotomiyeen Goobta Calamada la sudho ee ku hor taala Xarunta Golaha Deegaanka ee Bristol.xafladaasina Waxay Ku Soo afmeeran Tahay Sidii loogu Talo Galay