
Madaxweynaha JSL oo Tacsi u diray Qoyskii iyo qarabadii uu ka geeriyooday Marxum Maxamed Xaji Cali Guhaad (Sanyare) oo ku geeriyoday Hargeysa
19/05/2014
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Reer Xaaji Cali Guhaad, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxabtii uu ka baxay Marxum Maxamed Xaji Cali Guhaad (Sanyare) oo ku geeriyooday 19.05.2014 Magaalada Hargeysa.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayasha ugu magaca wayn Hargeysa iyo Dalkaba waxaanu ka mid ahaa masuuliyintii Dalka xoogooda iyo Muruqoodaba u huray sidii u dalku u dhismilahaa.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Reer Xaaji Cali Guhaad, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
**************************************************************************************************************************************
19/05/2014
TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Madax-dhaqameedka Somaliland Qoyskii Qaraabadii Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Chief Caaqil Faarax Cumar Cali oo ku geeriyooday Berbera 19.05.2014 laguna aasay. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Madax-dhaqameedkii ka soo shaqeeyey dib u dhiska dalka. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Madax-dhaqameedkii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.





0 

Madaxweynaha JSL oo Tacsi u diray Qoyskii iyo qarabadii uu ka geeriyooday Marxum Maxamed Xaji Cali Guhaad (Sanyare) oo ku geeriyoday Hargeysa
Madaxweynuhu Waxa kale oo uu Dhambaal Tacsi ah u diraya Qoyski iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Chief Caaqil Faarax Cumar Cali oo ku geeriyooday Berbera, Dhambaalada Tacsida ah oo ka soo Baxay Xafiiska Afhayenka Madaxtooyada JSL aya u dhigna Sidan: