
TANZANIA OO SI WEYN LOOGA XUSAY 18KA MAY IYO DADKA REER SOMALILAND EE KU DHAQAN CAASIMADDA WADDANKAASI OO U DABAALDEGAY XUSKA MAALINTAN QARAN
ee ka soo wareegtay gooni isku taaga qaranimada jamhuuriyada Somaliland ee 18 may ayaa lagu qabtay magaalada daresalam ee caasimada dalka Tanzania.
Kadib aayado quraan ah oo sida caadada u ah lagu furay xaflada waxa lagu soo dhaweeyey oo qudbad ka jeediyey madasha Mudane Muuse Nuur oo hambalyeey shacabka somaliland meelkasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba.

Intaa ka dib xidhiidhiyaha xaflada shaafici Mohamed ayaa ku soo dhaweeyey mikrafoonka Mudane Mohamed Mohamud Elmi isagoo shacabka reer Tanzania ee xafladaasi ka soo qaybgalay ku booriyey inay qadiyada madaxbanaanida Somaliland u guntadaad isagoo tusaale u soo qaatay jaaliyada magaalada shafield guushii aqoonsiga ee ay usoo hooyeen dhulkooda hooyo iyo jaaliyado kale oo ku hawlan isla markaana ku guubaabiyey jaaliyada Tanzania iyaguna inay sidaa si lamid ah u dadaalaan.

waxa madasha iyaguna ka hadlay dhalinyaro, aqoonyano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo aanu ka xusi karno Hariir Mohamed Jamac oo kamida qurbajoogta ingiriiska balse hada Tanzania ku sugan ayaa ka sheekeeyey qiimaha ay leedahay 18ka may halgankii loo soomaray, adkaynteeda iyo wadajirka shacabka reer Somaliland isagoo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay maalintani.

Intaa ka dib waxa si rasmi ah u bilaabantay dabaal daga xaflada 18 may iyadoo halkaa ay ku soo bandhigeen Ciyaaro iyo heesaha astaanta u ah qaranimada jamhuuriyada Somaliland iyadoo halkaasina ay hablaha reer Somaliland aad ka dheehanaysay quruxda hidaha iyo dhaqanka Somaliland.



ugu dambayntii waxa halkaa lagu jaray keek lagu xardhay qariirada iyo calanka jamhuuriyada Somaliland iyadoo xafladaasina ku soo gebo gabowday farxad iyo daganaan.
Mohamed Mohamud Elmi (bahnan)
Afkashacabka.com
Daresalam/Tanzania
+255714583333





0 

TANZANIA OO SI WEYN LOOGA XUSAY 18KA MAY IYO DADKA REER SOMALILAND EE KU DHAQAN CAASIMADDA WADDANKAASI OO U DABAALDEGAY XUSKA MAALINTAN QARAN
Xaflad aad loo soo agaasimay oo ilyartu is qabatay oo loogu dabaal dagayey sanad guuradii 23aad