"Puntland Ahaan, Waxaanu Alle Ka Baryeynaa In Somaliland Ictiraaf Buuxa Hesho" Gudomiyaha Golaha Barlamanka Puntland

0
Tuesday May 20, 2014 - 10:17:07 in by Super Admin
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Puntland Ahaan, Waxaanu Alle Ka Baryeynaa In Somaliland Ictiraaf Buuxa Hesho" Gudomiyaha Golaha Barlamanka Puntland

    Guddoomiyaha Barlamaanka Puntaland oo noqday masulkii ugu horeyey ee ka tirsan maamul goboleedka Puntland ee ka badheedha Taagaradiisa Reer Somaliland, Hambalyana u diray shacabka reer somaliland sannadguuradooda 23aad awgood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntaland oo noqday masulkii ugu horeyey ee ka tirsan maamul goboleedka Puntland ee ka badheedha Taagaradiisa Reer Somaliland, Hambalyana u diray shacabka reer somaliland sannadguuradooda 23aad awgood.

Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Ee maamul gobolleedka Puntland Md: Siciid Xasan Shire ayaa maanta dhambaal hanbalyo ah u diray shacab waynaha reer Somaliland, xuska 23 guurada ka soo wareegtay gooni isku taagga, taasi oo shalay laga xusay adduunka oo dhan.


Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Md. Siciid Xasan Shire, Waxa uu sheegay inay hambalyeynayaan horumarka ay shacabka Somaliland samaysteen, isaga oo xusay inay barbar taagan yihiin gooni isku taaga Somaliland.


Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo caawa khadka Telefoonka ugu waramay Wariye Maxamed Bashiir Nuur Giriig oo Hargeysa ku sugan, ayaa sheegay isaga oo ka hadlaya horumarka Somaliland, waxa uu yidhi "Aad baan u soo dhaweynayaa sida wanaagsan ee ay dalkooda u dhisteen ummada reer Somaliland, maanta haddii ay ummada reer Somaliland isu tageen oo ay yidhaahdeen gooni ayaanu u istaagnay waa waxa lagu garab galo, waayo waa umad walaalahayo ah oo gartay inay dawlad sameystaan”



Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, waxa kale oo uu sheegay "Puntland ahaan aad baan u soo dhaweenya debaal-degooda, Alle-na waxaan uga baryayaa inay ictiraaf buuxa beesha caalamka ka helaan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Waana loo baahan yahay maanta, Somaliland oo dawlad ah waxay waxa ka qabanaysaa dhibaatada maanta Soomaaliya haysata”






Contact@afkashacabka.com