"Waxaanu u Aragnaaa inay Dadkayagu Mutaysteen in la Aqoonsado Qaranimadooda" Wasiirka Madaxtooyada JSL

0
Tuesday May 20, 2014 - 10:40:49 in by Super Admin
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanu u Aragnaaa inay Dadkayagu Mutaysteen in la Aqoonsado Qaranimadooda" Wasiirka Madaxtooyada JSL

    Wasiirka Madaxtooyada JSL oo ku sugan Waddanka Maraykanka kana qaybgalay Xaflado Badan oo lagu xusayey Xuska maalinta qaran ee 18ka May ayaa qoraal kooban oo uu soo Dhigay Boggiis Facebook iyo Bloggiisa Guusha.com kaga dareen celiyey munasibadiihi uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada JSL oo ku sugan Waddanka Maraykanka kana qaybgalay Xaflado Badan oo lagu xusayey Xuska maalinta qaran ee 18ka May ayaa qoraal kooban oo uu soo Dhigay Boggiis Facebook iyo Bloggiisa Guusha.com kaga dareen celiyey munasibadiihi uu ka qaybgalay iyo Muhiimadda Malintan qaran ee 18ka may waxanu yidhi:


Maanta oo ay taariikhdu tahay 18/05/2014, waa maalin qiimo wayn uugu fadhida guud ahaan shacabka reer Somaliland , waa maalin taariikhdu dib markale u qortay in shacabka reer Somaliland ay gacantooda ku soo ceshadeen qaran ay horay u lahayeen iyo gobonimo ay mutaysteen, waa maalin mudan maamuus iyo mudnaan badan 

Sida aynu ognahay Somaliland waa qaran ay dadkeedu dhisteen, ku tabceen una soo halgameen illaa 1960 xiligii aynu xoriyada ka qaadanay gumaystaha.

Somaliland waa dawlad leh dhamaan hay'adihii dawliga ahaa iyo shuruudihii dawladnimo, kuna dhisan shuruuc iyo rabitaanka bulshadeeda. Waa hubaal in dunido ogtahay, ixtiraamto lana shaqayso.

Somaliland waa xaqiiqo jirta, waxay soo jirtay 23 sanadood, waxaanay dadkeedu tacab iyo talo isugu geeyeen sidii ay usii jiri-lahayd, waynu jiri karaa hadii aynu isku duubnaano oo danta qaranimada ka horaysiino tan shakhsiga, waynu jiri-karaa hadii aynu isku tashano oo dalkeena dhisano , horuumarino oo taabagelino tacliinta, waxsoosaarka iyo dhaqaalaha. Inagoo meel ugasoo wada jeesanayna illaalinta nabadgelyada oo difaacayna qaranimada qiima kasta oo inagu tegayso.

1) Waxaanu xasuusanahay dhibtii iyo dariiqii dheeraa ee loosoo maray gobanimada mana aha wax iska yimi. "Gobanimadu waa geed ku baxa dhiiga geesiga"
2) Ma mooganin mana illaawi-karo mushkuladii aanu kala kulanay midnimadii Somaliwayn ee jibadu noo gaysay, dib u dhicii nagu yimi iyo jiritaankayagii la dafiray, la qadiyey ee la quudhsaday haldoorkii Somaliland ee geeyey calanka Muqdisho, kaasoo dhaxalkiisii ku danbeeyey xasuuq iyo burbur.
3) Waa taariikh lama illaawaan ah halgankii hubaysnaa ee dalkan Somaliland loosoo galay kaasoo lagu waayey kumanaan halyey. "Hadaad dhimato geerudu marbay nolasha dhaantaa dhaqasho mar bay kaa yihiin dheregu xaaraan".
4) waxay ahayd xusuus iyo talo-xigmad ku dhisan dib u heshiisiintii, dib u dhiskii iyo dawladnimadii ay dadka reer Somaliland iyagoo isku duuban dib ulasoo noqdeen shirkii Burco ee 1991. Kii.

Somaliland waxay nagu joogtaa qiimo-wayn, halkana cayaar kuma iman, dariiqii dheeraa gobanimada dabadeed waxay ku soo jirtay 10 sanadood oo halgan ah, 7 sanadood oo nabadayn iyo dibu heshiisiin ah 16 sanadood oo ahayd dhismaha, kobcinta dawladnimada iyo kor u qaadida adeegyada bulshada, Somaliland waxay ku dhex taalaa oo ay ka badbaaday mandaqad ay aafeeyeen argagixiso, budhcadbadeed iyo keligii taliyayaal aan jeclayn system ama nidaam noocan oo kale ahi in uu agtooda ka shaqeeyo ama ka taabo galo 

Beesha caalamka waxaanu ugu baaqaynaa inay garwaaqsadaan rabitaanka bulshada Somaliland, waxaanu u aragnaaa inay dadkayagu mutaysteen in la aqoonsado qaranimadooda, waxaanu xil iska saaray, qayb muhiimana ka nahay degenaanshaha mandaqada, waxaanu meel hore kaga jiraa nidaamka dimuquraadiyada ee dunidu maanta wax ku qiimayso, sax maaha oo xaq maaha inay dunidu dhegaha ka furaysato bulshada doonitaankooda (self determination) iyo doorashooda (public elected president, public elected parliament and public Local Government) iyadoo koolkoolinaysa systemka qosol ku jabka ah ee ay labadii sanaba mar muqdisho kusoo dhoobdhoobto. "Ma qofka wax qabsada ayaa abaal marin leh mise qofka wax khariba"

Qurbajooga reer Somaliland ee maraykanka Canada iyo guud ahaanba dunida dacaladeeda kala jooga waxaan leeyehey qiimo-wayn ayaad dalka iyo dadka ugu fadhidaan, dhismaha dalka iyo horumarkiisana waxaad ka tihiin qayb weyn oo lagu xisaabtamo, waxaanad qaban kartaan wax intaa kasii badan, qof kastaa waa inuu noqdo safiir dalka uu jooga iyo dadka uu la noolyahay ka dhaaadhicya qadiyada Somaliland, qof kasta waxaa looga baahanyahay qaadhaan uu kaga qayb qaadanayo dhismaha iyo horumarka dalka "wax yar oo aan maanta waxba ku yeelayn ayaa dalkii wax u qabanaya marka laysu geeyo" waxaan idinka codsanaynaa in aad ka qayb qaadataan dhismaha wadad ceerigaabo. Wadadii way socotaa waxaanay maraysaa meel fiican, sidaad ka warqabtaana waxay qarankeena u leedahay muhiimad weyn haday tahay dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo xidhiidhka iyo isku xidhka bulashada.


Waxaa kama dhibcaan ah sida loogu baahan yahay in aynu horumarino kaabayaasha dhaqaalaha oo wadooyinku hormuud ka yihiin, 
Waxaa hubaal ah in cududa uugu badan ee dadka reer Somaliland ku tashadeen yihiin qurbojoogta oo ay ku tuhmayaan cilmi garanaya wax isku darsiga iyo caqli fahmaya bixinta. 

Aan wax ka kooban ka sheego marxaladaha wadooyinka dalkeena , isla markaana aan fursad siiyo walaalaheena aan ku hadal afka Soomaliga. 

Dear non speaking Somali Friends. 


As we know Roads are an integral part of the transport system, a country’s road network should be efficient in order to maximize economic and social benefits. They play significant role in achieving national development and contributing to the overall performance and social functioning of the community. It is acknowledged that roads enhance mobility, taking people out of isolation and therefore poverty. 


Our policy is "by emphasizing that for any economy to develop, transport must start off first which will later stimulate other sectors to develop in an orderly fashion In Somaliland, road transport is the principal mode of transport used for the movement of goods and people. Somaliland road network is estimated to consist of around 800 km of paved roads, 1,225 km of unpaved roads, and approximately 6,800 km of unpaved wheel truck roads. The majority of these roads are considered to be in a state of disrepair owing to lack of maintenance. 


The condition of the road network has deteriorated steadily over the years due to limited investment, and lack of maintenance. Since inter-regional air, rail, and sea transport is virtually non-existent: More than 99% of the movement of goods and people within the region depends on the road transport system. The use of burden animals principally camels and donkeys for transport continues to be the only means available to a large segment of the rural population; where the rural and feeder road networks are in the worst condition. 


But to turn the tide Somaliland Government has real commitment of placing the road sector at the top of its priorities as foreseen in the National Development Plan and government agenda through tangible and significant budgetary allocation. 


Let us build our country, let us give help and let us celebrate our independence day with complete independency 
Somaliland Forever.