Kenya oo Baadigoob ugu jirta Maydadka 12 Askari oo ka tirsan ciidamadeeda oo lagu dilay weeraro shalay dhacay

0
Tuesday May 20, 2014 - 17:20:18 in by Super Admin
  • Visits: 1039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo Baadigoob ugu jirta Maydadka 12 Askari oo ka tirsan ciidamadeeda oo lagu dilay weeraro shalay dhacay

    Askartaan waxaa shalay lagu dilay dagaalo dhowr goor dhex maray Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askartaan waxaa shalay lagu dilay dagaalo dhowr goor dhex maray Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya

Wararka laga helaayo Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, Ayaa waxay sheegayaan Ciidamada Dowladda Kenya inay raadinayaan meydadka 12 askari oo Kenya ah.

Askartaan waxaa shalay lagu dilay dagaalo dhowr goor dhex maray Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya, Oo ka dhacay deegaanada ku dhow dhow xadka Somaliya iyo Kenya.

Ciidan xoogan oo Kenyan ah, Ayaa waxaa lagu arkay xadka Somaliya iyo Kenya, ku waas oo ujeedadooda lagu sheegay inay raadinayaan meydadka 12 askari oo Kenya u dhashay.

Noah Mwivanda, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Magaalada Mandheera, wuxuu shaaca ka qaaday in dagaalka looga dilay 12 askari, markii ay dagaal culus la galeen Ciidamada Al Shabaab.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta Kenya, Wuxuu sheegay Al Shabaab inay xoojisay weerarada ay ka geysaneyso dalka Kenya, iyadoo uu xusay inay khatar ku tahay amniga Kenya.






Contact@afkashacabka.com