Hordhaca Kulanka Liverpool Vs Newcastle, Rafa Benitez Oo Anfield Ku Soo Guryo Laabanaya Isagoo Xaalka Ku Xun Yahay

0
Saturday April 23, 2016 - 08:44:40 in by Burco Office
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca Kulanka Liverpool Vs Newcastle, Rafa Benitez Oo Anfield Ku Soo Guryo Laabanaya Isagoo Xaalka Ku Xun Yahay

    Rafael Benitez ayaa maanta ku soo laaban doono garoonka Anfield isagoo wata kooxda Newcastle United kulankaan oo si weyn muhiim ugu ah maadaama uu kooxdiia kala baxsanayo u laabasha heerka labaad ee horyaalka Championship ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rafael Benitez ayaa maanta ku soo laaban doono garoonka Anfield isagoo wata kooxda Newcastle United kulankaan oo si weyn muhiim ugu ah maadaama uu kooxdiia kala baxsanayo u laabasha heerka labaad ee horyaalka Championship ka.

Kulanka: Liverpool Vs Newcastle

Garoonka:Anfield

Saacada Geeska Afrika:5:00

Wararka Labada Koox:

Newcastle ayaa kulankaan u safreysa iyadoo ku jirta xaalad aad u xun maadaama ay qarka u saaran yihiin iney u laabtaan heerka labaad halka Liverpool ay lasoo baxday qaab ciyaareed joogta bartamahii xili ciyaareedkaan.

Divock Origi, oo shan gool dhaliyay shantiisii kulan ee u danbeysay ayaa dhaawac ku seegi doona kulankaan kadib markii uu cagta dhaawac ka soo gaaray kulanki Meryside Derby ee ay la ciyaareen Everton, ,Daniel Sturridge ayaana la filayaa inuu badalo booska Origi, halkaEmre Can,Jordan Hendersoniyo Christian Bentekeayaana dhamaan seegi doona kulankaan.

Dhanka Newcastle, waxay weyn doonaa xidigaha kala ahTim Krul,Rob Elliot,Kevin Mbabu,Fabricio Coloccini,Massadio Haidara,Daryl JanmaatiyoSteven Taylor.

Benitez ayaana dooneyn inuu badalo shaxda kooxdiisa ee kulamadoodii ugu danbeeyay midna barbaro galay midna soo adkaaday, Ayoze Perez ayaa badalayGeorginio Wijnaldum kulankii Man City waxaana la filayaa iney kusoo wada bilowdaan kulanka Liverpool.

Liverpool Vs Newcastle

Ma Ogtahay:

Newcastle ayaa natiijooyin ka heysta dhanka Liverpool sanadihii u danbeeyay waxayna kulankoodii ugu danbeeyay kaga soo adkaadeen 2-0 St James’ Park.

Georginio Wijnaldum ayaa dhaliyay goolka guusha waxaana sidoo kale caawiyay gool uu iska dhaliyayMartin Skrtel daqiiqadii69aad.

Kulankii ugu danbeeyay ee ay labadaan koox ku kulmaan Anfield waxay aheyd April 13 sanadii hore Liverpool ayaana markaas ku adkaatay 2-0 waxaana goolasha u kala dhaliyay Raheem Sterling iyo Joe Allen.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Liverpool:
Mignolet; Clyne, Lovren, Sakho, Moreno; Allen, Milner; Lallana, Coutinho, Firmino; Sturridge

Newcastle United:
Darlow; Anita, Mbemba, Lascelles, Dummett; Townsend, Tiote, Colback, Sissoko; Wijnaldum, Cisse