Falaanqeynta Kulanka Bournemouth Vs Chelsea, Blues Miyeey Ka Aarsan Doontaa?

0
Saturday April 23, 2016 - 08:53:50 in by Burco Office
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falaanqeynta Kulanka Bournemouth Vs Chelsea, Blues Miyeey Ka Aarsan Doontaa?

    Xili ciyaareedkoodii koowaad eeBournemouth ayaa u muuqda mid guul ah, sadex dhibcood ay ka helaan kooxda horyaalka daafacaneysa ee Chelsea ayaana keeni karta iney isku dhibco noqdaan kooxda sanadii hanatay horyaalka, taas ayaa layaab kuula muuqan kar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili ciyaareedkoodii koowaad eeBournemouth ayaa u muuqda mid guul ah, sadex dhibcood ay ka helaan kooxda horyaalka daafacaneysa ee Chelsea ayaana keeni karta iney isku dhibco noqdaan kooxda sanadii hanatay horyaalka, taas ayaa layaab kuula muuqan karta laakin xili ciyaareedka madow ee ay qaateen kooxda Blues,

sidoo kale kooxda Cherries ayaana xaqiijistay iney xili ciyaareedka danbe ka ciyaarayaan horyaalka Premier league.

Kulanka:Bournemouth Vs Chelsea

Garoonka:Dean Court ama Vittaly Stadium

Saacada Geeska Afrika:5:00 Galabnimo

Wararka Labada Koox:

Kooxda xili ciyaareedkaan habaarka ku dhacay ee Chelsea ayaa u safreysa Dean Court iyadoo maanka ku heysa ceebtii ka gaartay Man City oo gurigooda ku soo booqday kadibna ku gumaaday 3-0, guul ay kulankaan gaaraan ayaana niyad dhis fiican u noqon karta inkastoo ay macsalaameeyeen u tartamista tartamada yurub ee xili ciyaareedka danbe.

Thibaut Courtoisayaa kulankaan ku seegi doona casaankii uu qaatay kulankii City, sidaasi darteed waxaa shabaqa ku bilaaban doono Asmir Begovic, Hiddink ayaa dib u soo dhaweyn doona Eden Hazard kaasoo kasoo kabtay dhaawac sinta ah oo soo gaaray laakin waxaaa hubaal ah iney kulankaan seegi doonaan daafaca da’da yar ee Kurt Zouma iyo John Terry, iyo waliba Loic Remy.

Bournemouth-vs-Chelsea-23.04.2016-Predictions

Callum Wilsonaya kurisga keydka kasoo kacay labadii kulan ee u danbeysay ee ay ciyaartay Bournemouth wuxuuna si buuxda uga soo kabtay dhaawac soo gaaray bishii September,Lewis Grabbaniayaa isna albaabka u soo garaacaya in lagu soo bilaabo kulankaan dhanka kale Junior Stanislasayaa isna ciyaaray qeyb kamid ah kulankii Liverpool.

Benik Afobe,Tyrone Mings,Harry Arter,Adam SmithiyoTokelo Rantie ayaa dhamaan dhaawac ku seegi doona kulankaan.

Ma Ogtahay:

Kulankii lugtii hore ee dhacay December ayaa ah mid kamid ah kulamadii ugu danbeeyay ee macalin Jose Mourinho ee Chelsea iyadoo weeraryahanka Bournemouth iyadooGlenn Murrayuu ciyaarta badal ku soo galay kadibna uu 97 ilbiriqsi kadib uu guul ku hogaamiyay kooxda Cherries.

Shaxaha Macquulka Ah:

Bournemouth:
Boruc; Francis, Elphick, Cook, Daniels; Ritchie, Surman, Gosling, Gradel; King; Grabban

Chelsea:
Begovic; Azpilicueta, Ivanovic, Cahill, Baba; Fabregas, Matic; Willian, Loftus-Cheek, Pedro; Costa