Rag Xalay Lagu Miray Yucuboole Oo La Aasay Iyo Nin Kale Oo Maanta La Dilay

0
Wednesday May 21, 2014 - 07:05:14 in by salman abdi
  • Visits: 2139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rag Xalay Lagu Miray Yucuboole Oo La Aasay Iyo Nin Kale Oo Maanta La Dilay

    Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay Deegaamo kala durugsan oo ka tirsan Buuhoodle Xalay iyo Maanta, kaddib markii Kooxo hubaysani weeraro gaadmo ah ka geysteen halkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay Deegaamo kala durugsan oo ka tirsan Buuhoodle Xalay iyo Maanta, kaddib markii Kooxo hubaysani weeraro gaadmo ah ka geysteen halkaasi.


Weerar Gaadmo ah oo xalay lagu qaaday Dad xoolo dhaqato ah, deegaanka Yucuboole oo dhawr iyo toban Killomiter u jira Buuhoodle,  ayaa lagu dilay laba Nin oo mid ka mid ahi ka tirsanaa Kooxda Weerarka qaaday.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa xaqiijiyay in Dilkaasi dhacay xalay saacad dambe, kaddib markii niman hubaysan weerar gaadmo  ah ka fuliyeen halkaasi, kaasoo ay ku dileen Nin xoolo dhaqato ah oo Guri hor hurday, halka Ninka kale ay iyagu dhexdooda iska dileen, markii ay dilka hore geysteen.

Nimanka weerarka qaaday ayaa ka soo jeedda deegaanka Qorulugud, halka ka ay dileena ka soo jeedo Buuhoodle.

Labada Nin ee xalay lagu dilay Yucuboole ayaa Maanta lagu aasay Magaalada Buuhoodle, halkaasoo maydkooda saaka loo soo qaaday.

Dhinaca kale, Nin kale oo xoolo dhaqato ah oo ka soo jeedda Deegaanka Widh-widh ayaa maanta lagu dilay meel la yidhaahdo Balan-balle oo u dhaxaysa Sool-joogto iyo Maygaagle.


Todobaadkii hore ayaa deegaankaas iska hor-imaad ku dhex maray labada Beelood oo hore ugu dagaalamay Deegaanka Kalshaale.


Afkashacabka.com
Burco/Office
Contact@afkashacabka.com