Ayax Guuraya Oo Dul Maray shalay iyo Maanta Magaalada Hargaysa.

0
Wednesday May 21, 2014 - 07:10:22 in by salman abdi
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ayax Guuraya Oo Dul Maray shalay iyo Maanta Magaalada Hargaysa.

    Waxa maalintii labaad dul maray magaalada hargaysa ayaxa ka yimi dhinaca hawd kaas oo la sheegay in uu ka soo laabtay dalka somaliland la jaarka ah ee itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maalintii labaad dul maray magaalada hargaysa ayaxa ka yimi dhinaca hawd kaas oo la sheegay in uu ka soo laabtay dalka somaliland la jaarka ah ee itoobiya.


Ayaxan ayaa magaalada hargaysa ka maray dhinacyada galbeedka iyo bariga magaalada sida ay xaqiijiyeen dad goob joog u ahaa ayaxaasi.

Dadka ayaa xaqiijiyey in ayaxani waxyeelo u gaystay Dhirtii goobaha uu maray ka ag dhawaa .

Ayaxan ayaa bilihii ugu dambeeyey lagu arkayey deegaanada Somaliland isagoo waxyeelo ba,ana u gaystay daaqa iyo geedaha isagoo markii dambe u dhaafay dhinaca dalka itoobiya oo uu hadda ka soo laabtay.

Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha ayaa dhawaan sheegay in Mar Kale ayax lagu arkay deegaano Somaliland ka mid ah waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ayaxaasi kaga hortagaan tabihii awal hore lagaga hor tagi jiray sida in qiiq lagu shido.

Ilaa hadda ma jirto talaabooyin ayaxan lagaga hor tagayo oo ay qaaday xukumada Somaliland in kasta oo marar doora wasaarada beeruhu ay sheegtay in ay qaylo dhaan u dirtay haayada qaabilsan la dagaalanka ayaxa balse ay wax jawaab ah ka wayday.


Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com