Madaxweyne Ismacil Cumar Gelle oo Kelmad Qiimo badan ka jeediyey Shir Lagaga Hadlayey Xagjirnimada oo Culimada Afrika uga Furmay Djibouti

0
Wednesday May 21, 2014 - 08:13:21 in by salman abdi
  • Visits: 1227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ismacil Cumar Gelle oo Kelmad Qiimo badan ka jeediyey Shir Lagaga Hadlayey Xagjirnimada oo Culimada Afrika uga Furmay Djibouti

    "Xag-jirnimada Diinta Ee Ka Jirta Gobolku, Waxay Baabi'isay Naxariistii" Madaxweyne Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xag-jirnimada Diinta Ee Ka Jirta Gobolku, Waxay Baabi'isay Naxariistii" Madaxweyne Geelle

Shir lagaga hadlayo xag-jirnimada oo ay ka qaybgalayaan culimmada dalalka Geeska Afrika ayaa Isniintii shalay ka furmay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo culimmada kulankan ka qayb-galaysa ay sheegeen inay si wanaagsan u daraaseyn doonaan xag-jirnimada.


Furitaankii kulanka ayaa waxaa hadal ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wasiirka diinta iyo awqaafta dalkaasi, Aadan Xasan Aadan, iyagoo mashaa’iikhda ka dalbaday inay soo saaraan bayaan lagaga hortagayo xag-jirnimada.


Madaxwayne Geelle, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Sida aad la socotaan diinta Islaamku waxay Geeska Afrika soo gashay intii ayna gaadhin Magaalada barakeysan ee Madiina Al-munawara, waxayna dadka gobolku ku guuleysteen inay muddo dheer ku fara-adaygeen diintooda, iyadoo is nabad-galyo ah u wada noolaa xilli fog, waxaana loo baahan yahay in la adkeeyo taasi”


Sidoo kale, Geelle wuxuu sheegay in dhibaatooyinka xag-jirnimada iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya iyo dalal kale oo caalamka ah ay baabi’iyeen waxyaabihii ay ummadahaas rejaynaysay inay gaadhaan "Alle wuxuu Qur’aankiisa Kariimka ah ku leeyahay ‘Qofkii naf gooya ama dhulka ku faafiya xumaan, wuxuu la mid yahay qof dadka caalamka ku nool oo dhan laayay’..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Sidaa awgeed xag-jirnimada diinta ee ka jirta gobolka waa mid dhibaato weyn ku noqotay mustaqbalka gobolka, taasoo burburisay il-baxnimadii wanaagsanayd ee ay lahaayeen dadka Geeska Afrika, waxayna baabi’isay naxariistii iyo nabaddii ay ku wada noolaayeen..”


Madaxwaynaha Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu ka dalbaday culimmada kulanka ka qayb-galaysa inay soo saaraan dariiq wanaagsan oo looga bixi karo xag-jirnimada iyo fikradaha ka dambeeya, isagoo xusay inay dhibaatada xag-jirnimadu tahay mid gobolka oo dhan saameyn ku yeelatay "Waxaan idinka doonaynaa culimmo inaad daraasad qoto-dheer ku sameysaan sababaha keenay xag-jirnimada, taasoo nabadgalyada shucuubta ku nool gobolka baani’inaysa haddaan wax laga qaban…”


Ugu dambeyn, Sheekh Axmed Xasan Al-Qudubi iyo Sheekh Cabdullaahi Sheekh Cali Jowhar oo magaca Somaliland kaga qayb-galaya kulanka ayaa sheegay inay ku dedaali doonaan sidii ay daraasad qoto-dheer ugu sameyn lahaayeen xag-jirnimada iyo sidii loo baabi’in lahaa.









Contact@afkashacabka.com