
Masuuliyiinta xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, oo xabsiga Magaalada Gabiley ku Bookhday Masuliyiinti Wargeyska Hatuf oo Halkasi ku xidhan,
"Maxkamaddu Waxay Nagu Tidhi, Yuusuf Cabdi Gaboobe Wuu Caytamay" Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yusuf kayse
Xubno ka mid ah Masuuliyiinta xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa maanta booqday xabsiga Magaalada Gabiley, halkaasi oo ay ku xidhan yihiin Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftiraha wargeyskaasi, Axmed Cali Cige.
Masuuliyiinta xisbiga UCID, oo markii ay gaadheen halkaasi loo ogollaaday inay arkaan Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Haatuf, ayaa xaal wareystay labada wariye oo maxkamadda gobolka Maroodi-jeex toddobaadkii hore dhageysatay dacwad ay u haystaan masuuliyiin xukuumadda Somaliland ka tirsan, isla-markaana u rumaan gareysay xabsiga dhexe ee Hargeysa muddo 7 maalmood ah, hasa-yeeshee loo bedalay xabsiga Gabiley.
Xubnaha xisbiga UCID, oo markii ay ka soo baxeen gudaha jeelka Gabiley, la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay inay cambaareynayaan xadhigga Guddoomiyaha iyo tifaftiraha Wargeyska Madaxa-banaan ee Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige, kuwaasi oo ay sheegeen in sharci daro lagu haysto "Bah-weynta xisbiga UCID waxa uu safar booqasho ah ku yimid xarunta gobolka Gabilay, waxaanan ku soo booqanay mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxaanan cambaaraynayaa xukunka sharci darada ah ee lagu qaaday mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe, markii ay maxkamaddu dhagaysanaysay kiiskiisa, markii aanu maxkamadda waydiinay maxaad ku xidheen Yuusuf Cabdi Gaboobe waxay nagu yidhaahdeen wuu caytamay, laakiin waxa ka cay xumaa oo maxkamadda horteeda ka caytamayey wasiirka arimaha gudaha..” sidaa waxa yidhi, xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID, Yuusuf Kayse Cabdilaahi, oo ka mid ahaa xubnaha booqday xabsiga Gabiley.
Maxamed Cali Muuse, oo ah xoghayaha ciyaaraha ee xisbiga UCID, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Haddii aannu nahay xisbiga UCID, waxaanu ka soo horjeednaa oo aanu cambaareynaynaa wax kasta oo xorriyatul qawlka wax u dhimaya, waxaynu ogayn Hubaal tacadigii ku dhacay iyo ciidankii intuu galay qaarna dhaawacay qaarna dil ku sigteen, waxa ka danbaysay arimo kale oo badan oo loo gaystay saxaafadda, tan maanta ugu danbaysaana waa jariiradda la yidhaahdo Haatuf oo tacadiga iyo dhibaatada ku dhacday ay shacabka iyo adduunku ka qaylinayaan, xukuumadduna ka dhago adeygayso..”
Xoghayaha arimaha bulshada ee xisbiga UCID, Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa isaguna sheegay "Waxaanu halkan u nimid safar khayriya oo aanu ku soo booqanay mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige oo runtii dulmi ku xidhan, kaas oo aanu doonayno inaanu ummadda iyo isagaba tusno sida aanu uga xunnahay tacadiga halkan lagu keenay..”ayuu yidhi.
Afkashacabka.com
Gabiley /Office
Contact@afkashacabka.com





0 


Masuuliyiinta xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, oo xabsiga Magaalada Gabiley ku Bookhday Masuliyiinti Wargeyska Hatuf oo Halkasi ku xidhan,
"Maxkamaddu Waxay Nagu Tidhi, Yuusuf Cabdi Gaboobe Wuu Caytamay" Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yusuf kayse