Golaha Deganka Burco oo laba Garab u kala fadhiya iyo Mayarka oo kashanaya Badhasabka Gobolka oo ka jawaabay eedeymo 8 Xildhibaan u jeediyen Dhowaan

0
Wednesday May 21, 2014 - 16:07:57 in by Super Admin
  • Visits: 1300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Deganka Burco oo laba Garab u kala fadhiya iyo Mayarka oo kashanaya Badhasabka Gobolka oo ka jawaabay eedeymo 8 Xildhibaan u jeediyen Dhowaan

    khilaafka u dhaxeeya golaha degaanka iyo xildhibaano dhowaan shir jaraaid ku qabtay Burco kuna eedeyey mayarka musuq iyo dhul uu iibsaday, halka mayarkuna iska difaacay eedahaas, ayaa ah mid cirka isku shareeray kadib markii la sheegay in la iibiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

khilaafka u dhaxeeya golaha degaanka iyo xildhibaano dhowaan shir jaraaid ku qabtay Burco kuna eedeyey mayarka musuq iyo dhul uu iibsaday, halka mayarkuna iska difaacay eedahaas, ayaa ah mid cirka isku shareeray kadib markii la sheegay in la iibiyey dhul dan guud ahaa

 

Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo kaashanaaya Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Maanta Iska Difaacay Eedaymo Ay UsooJeediyeen Qaar Ka Mida Xildhibaanda Burco Oo Ku fududaaday Been Ay Ka Shegeen Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisa.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo Maayarka Mgaalada Burco Maxamed Muraad ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer , waxay jawaab kaga bixiyeen eeddeymo xubno ka mid ah Golaha Deegaanku u soo jeediyeen Maayirka.

Xildhibaanada ayaa dhawaan Maayirka ku eedeeyay inuu iibiyay Dhul Dawladdu leedahay, waxaanu markaasi ku maqnaa Itoobiya.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa Mudaneyaasha dhaliilay maayirka ka dalbaday inay Miiska wada hadalka yimaadaan eeddaynta horteed.

"qaar xildhibaanada Golaha degaanka Burco ka mid ah oo xili aan munaasib ahayn oo 18 may aynu ku jiro,waxaa leeyahay umadi waxay umad ku tahay wada shaqaynta,maayarku markii ay nimankaasi hadleen wuu maqnaa oo Adis ababa ayuu ku maqnaa,waxaan la yaabay raga halkaas ka hadlay nin kamaan arag dhibaato jirta iimay sheegin iyagoo tiifiiga ka hadlay uun baan ku baraarugay,fudayd aan loo baahanayn bay ahayd,waxaan leeyahay nimankaa xildhibaanada taasi dhacday ee yaanay dib u dhicin,wixii tabasho ah in laga wada tashado oo lays wadiiyo weeyaan”.

Maayirka Magaalada Burco Maxamed Muraad oo isna hadlay ayaa sheegay inaanu la yooyootamayn Mudaneyaasha hadlay, balse hadii ay wax tabanayaan waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay.

”Anigu dhalinyaro ma ihi ee nin wayn baan ahay,waxaana jira in aan waxyaabaha qaar aan lagaga hadal saxaafada,wali iimay iman oo may odhan waxaasaa khaldan,Adis ababa ayaan ku maqnaa oo markii ay xildhibaanadani hadleen,hadii ay sidaas yeeleena oo ay waxaan jirin sheegeen la caytami maayo”

sidoo kale maayarku waxa uu waxba kama jiraan ku tilamaamay dhul ay xildhibaano ku eeedeeyeen,waxaanu sheegay inaanay jirin wax dhul ah oo ay iibiyeen.

Ma jiro wax ah oo ka soo baxay dhanka Xildhibaanada Eeddeymaha u soo jeediyay Maayirka Jawaabta uu bixiyay kaddib.

Balse sida laga war qabo Khilaafyada Golleyaasha Deegaanka iyo Shir-guddoonkooda ka dhex dhacda badanaa ayaa salka ku haysa arrimaha Dhulka.

Si kastaba ha ahaate dadwaynaha reer Burco ayaan wali garan Waxa khaldan ee ay Xildhibaanadu ula kala safteeen maayirka Burco halka lagu soo Waramaayo in ay laba garab u kala fadhiiyaan Golaha Deeganka Burco.

Afkashacabka.com

Burco  /Office

Contact@afkashacabka.com