
Daawo:Madaxweyne Siilaanyo oo shahaado sharaf ka guddoomey Xubno ka tirsan Jaaliyadda reer somaliland ee magaalada Sheffield ee waddanka ingiriiska
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Muwaadiniin Reer Somaliland ah oo dedaalka ka geystay aqoonsigii ay Sheffield Council Uk Somaliland ku aqoonsadeen iyaga oo ka saxeexay golaha Deegaanka Sheffield.
Kulankan oo ay madaxweynaha shahaado sharaf ku gudoonsiyeen Muwaadiniintaasi ayaa waxa ku wehelinaayey Madaxweynaha Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo isagana ay Shahaado sharaf gudoonsiyeen Muwaadiniintaasi.
Sidoo kale waxa Madaxweynaha Kuwehelinaayey Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland.
Ugu danbayna waxa ka war bixiyey Kulankaasi Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xubno ka mida Weftigaasi.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com





0 









Daawo:Madaxweyne Siilaanyo oo shahaado sharaf ka guddoomey Xubno ka tirsan Jaaliyadda reer somaliland ee magaalada Sheffield ee waddanka ingiriiska
Madaxweyne Siilaanyo oo shahaado sharaf ka guddoomey Xubno ka tirsan Jaaliyadda reer somaliland ee magaalada Sheffield ee waddanka ingiriiska