"Munaafaqadda Been-beenta Ah Ee Ceerigaabo Lagu Sheegaa Waa been, Waayo Haddii Munaafaqad Horumar Lagu Gaadhayo Ceerigaabo Ayaa Dalka Ugu Horeyn Lahayd…" Guddomiye Ramaax

0
Wednesday May 21, 2014 - 17:07:07 in by Super Admin
  • Visits: 1469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Munaafaqadda Been-beenta Ah Ee Ceerigaabo Lagu Sheegaa Waa been, Waayo Haddii Munaafaqad Horumar Lagu Gaadhayo Ceerigaabo Ayaa Dalka Ugu Horeyn Lahayd…" Guddomiye Ramaax

    Badhasabka Gobolka Sanag Md Ramaax oo si kulul uga hadlay 54 Dhalinyaro ah oo lagu xidhay Ceerigabo xilli ay rabshado ka samaynayeen Magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasabka Gobolka Sanag Md Ramaax oo si kulul uga hadlay 54 Dhalinyaro ah oo lagu xidhay Ceerigabo xilli ay rabshado ka samaynayeen Magaalada

Badhasaabka cusub ee gobolka Sanaag, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa si adag ula hadlay dadweynaha gobolka Sanaag, waxaanu sheegay in gobolka Sanaag iyo Magaalo Madaxdiisa Ceerigaabo ay dalka Intiisa kale ka hadheen, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in dadka deegaankaasi ka baxaan waxa uu ugu yeedhay Munaafaqadda Been beenta ah.


Badhasaabka oo la hadlayey dadweynaha reer Ceerigaabo, ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaro tiradoodu ka badan tahay 50 loo xidhay rabshado xuskii 18-ka May ka dhacay Magaalada Ceerigaabo, waxaanu sheegay in dhalinyarada xidhan in la soo daayaa aanay dan ugu jirin shacabka reer Ceerigaabo.

Guddoomiye Ramaax, waxa uu tilmaamay inaan wakhtigan wax dhaqaale ahi ka jirin Magaalada Ceerigaano, isla-markaana aanu boqol dollar dhex marayn, taasna ay dadweynuhu ka masuul yihiin, isaga oo ku taliyey in dadweynuhu isku tashadaan, haddii buu yidhi Maamuladii hore ay suurto-galiyeen in gobolka Sanaag uu waayo wax badan oo uu xaq u lahaa oo uu heli lahaa.

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, oo ugu horeyn ka hadlaya nimcada gobolka Sanaag iyo faham la’aanta dadka ku nool ayaa yidhi "Dhulkan awowyaasheen iyo aabayaasheen-baa gaajo ugu bakhtiyey, imika ayay inna haysaa oo boqol dollar dhex mari maayaan Magaaladaa aynu joogno, waar maxaynu sidan ku bedali karnaa, waa inaynu isku tashanaa, waa inaynu ka baxnaa sidan aynu nahay, waar waa inaan Taayirka loo baahdo aan Burco ama Boosaaso loo doonin, waar aawey xadaaraddii Ceerigaabo. Nin kasta oo galbeed ka yimaaddaa, wuxuu qaadaa quruxda dhulka aad haysataan (Ayuu la yaabaa), oo uu yidhaahdaa dunidaba sidan maanaan moodeyn, laakiin quruxda iyo nimcada aad haysataan haddii aydaan garanayn Dameer malab la saaray ayaad noqonaysaan..”

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, waxa uu sheegay in gobolkaasi uu wax badan ku waayey hab-dhaqanka Maamuladii isaga ka horeeyay "Haddii bari iyo galbeed la odhan jiray Ceerigaabo, xafladda 18-ka May midnimadeena ayay muujisay oo si wanaagsan-baa looga soo qayb-galay, laakiin dabeecadda dawladnimo ee ka jiray halkan (anniga ka hor) ayaa wuxuu suurto-galiyey inuu wax badan gobolka waysiiyey, waar Ceerigaabow haddaan qaldanahay ii sheega, imikaan iska tagayaaye….” Ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu shacabka ugu baaqay inay ka baxaan waxa uu ugu yeedhay Munaafaqad been been ah "Munaafaqadda been-beenta ah ee Ceerigaabo lagu sheegaa waa been, haddii Munaafaqad horumar lagu gaadhayo Ceerigaabo ayaa dalka ugu horeyn lahayd, waxa Ceerigaabo halkaasi dhigay waa Dhalanteed iyo been aan diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsani raali ka ahayn”

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, waxa uu sheegay in aanay reer Ceerigaabo dan u ahayn dhalinyarada rabshadaha ka sameeya halkaasi, isaga oo sidoo kalena ka hadlay xadhiggooda "Idiinma dan ah dhagax la tuuro iyo waanu xaraabeysanaynaa, hebel ama reer hebel-baa halkaa jooga runtii halkan (Sanaag) ma dhaqeyso, intaan halkan masuulka uga ahay dawladdana waxaanu ku dedaali doonaa inaan arrimahaa tallaabo adag aanu ka qaadano, oo aanaan ogolaanin nabadgalyada oo faraha ka baxda, dawladdu imay soo diran, ugamana wakiil ahi inaan nabadgalyada oo faraha ka baxaysa aan faraha kala baxo, ma dhaceyso in toban inan oo yar yari ay waxay doonaan Magaalada ka sameeyaan, waar reer Ceerigaabow idiinma dan ah toban inan oo xaraabeysanaya iyo afar tuug oo waxay boobaan doonaya, Ceerigaabana laba dawladood iyo saddex dawladood kama dhisna, kama dhisnaan doonaan, waar bedalkaygu waa farriin..”

Guddoomiye, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxa uu sheegay inuu daacadnimo ugu shaqeynayo reer Sanaag, hasa-yeeshee in la soo daayo dhalinyarada loo xidhay rabshadihii Ceerigaabo ka dhacay xuskii 18-ka May "Waxaanu ballan-qaadeynaa inaanu daacad ahaanno, oo dadku uu noo sinnaado, waxa xidhan 54 (dhalinyaro xuskii 18-ka May Is laayey), waan dareemayaa in Guri walba iyo oday walba uu leeyahay hala soo daayo carruurta, hasa-yeeshee dan miyey inoo tahay…”ayuu yidhi, isaga oo su’aashaasi weydiiyey dadweynihii dhageysanayey khudbaddiisa, kuwaasi oo ugu jawaabay "Maya..maya..dan nooma aha”

Dhalinyarada xidhan, ayaa subaxnimadii dadweynaha reer Ceerigaabo u dareereen xuska 18-ka May, sameeyay rabshado beelaysan, waxaana intii aan la qab-qaban rabshaddaasi ka dhashay khasaare dhaawac ah oo gaadhay iyaga laftooda iyo dad kale oo rayid ah.







Afkashacabka.com

Ceerigaabo /Office

Contact@afkashacabka.com